Dowladda Soomaaliya oo dhaliil culus u jeedisay dalalka deriska

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Hay'adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku dhaleeceysay dalalka deriska in aysan la yeelan wadashaqeyn aad u dhameystiran.

Taliyaha Hay'adda, Maxamed Aadan Koofi, ayaa sheegay in arrintaan ay kamid tahay caqabadaha ay wajahayaan.

Mushkiladaha kale oo ay wajahayaan ayuu ku qeexay miisaaniyada oo ku yar iyo ammaanka oo aan leysku haleyn karin.

Jeneraal Koofi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey "in dhamaan cabaqadahaan iyo kuwa kale oo jira laga gudbi doono".

Dhanka kale, taliyaha ayaa daboolka ka qaadey in qorshahooda saddex bilood ee soo aadan ay ugu jirto sidii ay xarumo cusub uga furi lahaayeen gobolada iyo xuduudaha aysan hadda gaarin.

Goobahaas ayaa laga bixin doonaa adeegyadda hay'addu qabato sidda Baasaboorka "oo dalabkiisa uu aad u badan yahay".

"Muqdisho waxaan ka dhisnay xarun cusub oo laga bixin doono Baasaboorka, waxayna culeyska ka yareyn doonaa meesha kaliya ee haatan laga qaato," ayuu xusay.

Ugu dambeyntii, Koofi ayaa daaha ka rogay in sanadkii hore ay aad u korodhay tiradda dalka soo galaya iyo kuwa ka baxaya waddanka. Si lamid ah, wuxuu xusay in ay ka hortageen dambiyo badan.

MUUQAALKA KOOFI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM