Dowladda Soomaaliya oo dib u fureysa safaaradda Canada

Image

TORONTO, Canada – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay in ay qorsheyneyso in ay dib-u-furto safaaradeeda waddanka Canada.

Dhayib Maxamuud, qunsulka cusub ee Soomaaliya u fadhin doona Canada, oo warkan iclaamiyey ayaanan soo bandhigin xiliga la furayo.

Safaaradda Soomaaliya ee Canada ayaa la xiray bishii June ee sanadkii 1990-kii, sanad kahor dagaalkii sokeeye ee dalka ka qarxay.

"Mudadaas waxaa xiriirka Soomaaliya iyo Canada isku xirayey Jaaliyada Soomaaliyeed," ayuu Dhayib u sheegay VOA Soomaali.

Qunsulka cusub oo kamid ahaa Jaaliyadda Soomaaliya ee Mareykanka ayaa rajeynaya in safaaradda cusub ay xoojin doonto cilaaqaadka labada dal.

Isagoo hadalkiisa sii wata, Dhayib ayaa hoosta ka xariiqay in safaaradda ay xal u heli doonto dhibaatooyinka ay wajahayaan dhalinyaradda Soomaalida.

Dhibaatooyinkaas ayaa waxaa la sheegay in ay kamid yihiin dilalka dhexdooda ah iyo helista aqoonsiga oo ay waqti badan ku qaadato.

Canada ayaa kamid ah dowladaha safka hore kaga jira caawinta Soomaaliya, waxaana la sheegaa in ay ku nool yihiin Jaaliyadda labaad ee ugu badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM