Dowladda Soomaaliya oo difaacday shaqsi ay Kenya u gaarsaneyso

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa difaacday shaqsi ay booliska Kenya shaaciyeen in ay baadigoobayaan "maadaama looga shakisan yahay AlShabaab".

Xukuumadda Muqdisho oo war-saxaafadeed soo saartay ayaa shaacisay in Cabdiwaaxid Khaliif Cabdi oo Ku magac dheer Ciise Tarabuun "uu yahay muwaadin dhameystay xukun maxkamadeed".

Sidda laga soo xigtay bayaanka oo warbaahinta ku hadasha afka dowladda ay baahisay, Ciise Tarabuun ayaa wuxuu dhameystay xukun ciqaab xabsi ah, kaasi oo ku suntay muddo laba sano ah.

"...Kadib sii deyntiisa waxaa lala socday dhaqdhaqaaqiisa iyo xaaladihiisa," ayaa lagu yiri warka qoraalka ah oo ku taariikheysan 29-ka bisha September ee sanadkan 2019-ka.

Hase ahaatee, ma jirin maxkamad furan oo lasoo taagay Cabdiwaaxid sida looga bartay xukunada lagu rido shaqsiyaadka loosoo qabtay eedeymaha la xiriira AlShabaabnimada ama Daacish.

Ciise Tarabuun ayaa bishii June 2017-kii waxaa laga soo qabtay suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, isaga oo lagu tilmaamay madaxii Amniyaatka AlShabaab ee gobolka Banaadir.

Bileyska Kenya ayaa shaaciyey in Cabdiwaaxid uu galay waddankaas 24-kii September. Dadweynaha ayey waydiisteen in ay kusoo wargeliyaan hadii ay hayaan xogtiisa ama ay meel ku arkaan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM