Dowladda Soomaaliya oo diyaarineysa qorshe ka dhan ah Bajaajta

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqdey in ay diyaarineyso shuruuc lagu xakameynayo mootooyinka Bajaajta oo sanadihii dambe aad ugu soo batay Muqdisho.

Cabdullaahi Salaad Oomaar, wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada xukuumada federaalka, ayaa Axadii arrintaan ka dhawaajiyey.

Isagoo ka hadlayey fadhigii shalay ee Aqalka Sare, Oomaar ayaanan shaaca ka qaadin goorta ay soo bandhigayaan xeerkaas.

"Waan la soconaa in Bajaajta ay aad ugu badan tahay magaaladda, waxaana wadnaa oo aan diyaarineynaa shuruuc lagu xakameynayo," ayuu xusay, isagoo aan soo hadal-qaadin dhibaatooyinka loo geysto.

Bajaajta waxaa ku shaqeysta dhalinyaradda shaqo abuurka ka waayey Dowladda iyo kuwa kasoo laabtey tahriibka. Dhamaantooda waxay ka siman yihiin in ay ku maareeyeen noloshooda iyo tan qoyskooda.

Xukuumadda ayaa ku fashilantay in ay xaliso baahiyaha da'yarta iyo dilalka joogtada ah ee ciidamada u geysteen wadayaasha Bajaajta, oo kamid ah meelaha ugu badan ee dowladdu ka hesho canshuurta.

Dhanka kale, Oomaar ayaa shaaciyey in garoonka diyaaradaha Muqdisho ay dowladdu ka hesho laba milyan oo Doolar, sanadkii.

Wararka ku saabsan in ay dhaqaale ku taageereen dhismaha garoomo diyaaradeed oo Puntland laga dhisay ayuu ku qeexay "kutur-kuteen".

Gabagabadii, ma uusan soo hadal-qaadin walaaca iyo diidmadda uu la kulmay sharciga Duulista Rayidka oo ay kasoo horjeesteen qaar kamid ah dowladaha xubinta ka ah federaalka ka tisqaadey Soomaaliya.

Hindise sharciyeedkaas oo labada aqal ee baarlamaanka ay meelmariyeen ayaa la sheegay in ay ku gudbeen hanaan baalmarsan Dastuurka dalka, waxaana madaxweynaha lagu waaniyey in uusan saxiixin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mucaaradka oo Ku Hanjabay Doorasho Haddii Xasan Sheekh Fulin Waayo Baaqooda

War-saxaafadeedku wuxuu xusay in muddada Golaha Shacabka dhamaato 14 April 2026, halka muddada Madaxweynaha ay dhacdo 15 May 2026.

  • Soomaliya

    21-12-2025

  • 11:16AM

War-murtiyeedkii Kismaayo oo diiday wax muddo-kororsi ah, digniina u direy Xasan Shiikh

War-murtiyeedka shirka ayaa si weyn u dhaliilay hoggaanka Dowladda Federaalka, isagoo …

  • Soomaliya

    20-12-2025

  • 06:23PM