Dowladda Soomaaliya oo eedeysay maraakiib "wadatay" calanka Iiraan

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Intii u dhaxeysay Janaayo, 2020 iyo 14, April 2020 maraakiib tiradoodu gaareyso 112 ayaa si sharci darro ah uga kalluumeystay biyaha Soomaaliya, sidda ay sheegtay wasaarada kaluumeysiga.

Sidda lagu caddeeyay war-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda, maraakiibtaan ayaa ku safreysay calanka Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iiraan.

Wasaaradda ayaa tibaaxday in "xaqiiqooyinkaan" ay ku ogaatey baaritaan iyo dabagal ay ku sameysay dhaqdhaqaaqyadda maraakiibtaas "balse waxaa jira kuwa kale oo aysan soo qaban aaalada casriga ee dabagalka maraakiibta".

Bishii Maaj ee sanadkan 2020 ayay ahayd markii xukuumadda federaalka ah ay u digtay maraakiib ay sheegtay in laga leeyahay dalalka Pakistan iyo Iiraan "kuwaasoo jilaabasho sharci darro ah kawada xeebaha waddankeena".

Isla waqtigaas, dowladda ayaa ganaax lacageed dul-dhigtay qaar kamid ah maraakiibta, wallow aysan caddeyn haddii ay bixiyeen lacagtaas.

Xeebaha Soomaaliya ayaa kamid ah kuwa caalamiga ah oo ay ka dhacaan fal-dambiyeedyadda la xiriira kalluumeysiga sharci daradda ah.

Falalkaas ayaa dhacaya iyaddoo ay badda ku sugan yihiin ciidamo boqolaal gaaraya oo ka socda Howlgalka la dagaalanka burcad badeeda iyo ilaalinta xeebaha Soomaaliya oo ka kooban wadamadda reer Galbeedka iyo gobolka.

Bayaanka wasaaradda

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM