Dowladda Soomaaliya oo "fashilisay" weerar ismiidaamin ah

Image
Wasaarada Warfaafinta xukuumadda federaalka ayaa shaacisay in qaraxan lala damacsanaa Beerta Nabada.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa shaaca ka qaadey in ay ka hortagtey weerar ismiidaamin oo lala damacsanaa goobta loo nasiino tago ee Beerta Nabadda ee magaaladda Muqdisho.

"Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta.

Bayaanka ayaa la raaciyey: "Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda".

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

6-dii Bishan May Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka ee NISA ayaa fashiliyay shabakad ka tirsan Khawaarijta oo doonayay inay weeraraan Beerta Nabadda ee magaalada Muqdisho.

Ciidammada ayaa gacanta ku dhigay jaakado ay ku xiran yihiin waxyaabaha qarxa oo la doonayay in la galiyo gudaha Beerta Nabadda iyo Mooto Bajaaj qayb ka ahayd qorshaha weerarka Beerta Nabadda.

Howlgalkaan ayaa sidoo kale lagu burburiyay shabakada loo diyaarinayay weerarkaan oo ka koobneyd kooxdii qaraxyada waday iyo koox kale oo hubaysan oo qorshahoodu ahaa inay gudaha u galaan Beerta Nabadda.

NISA ayaa la socotay dhaq haaqa Khawaarijta ee diyaarinta weerarkaan, taas oo ugu danbayntii keentay in sirdoonka qaranka uu si xirfadaysan u fashiliyo weerarka ay khawaarijta damacsanaayeen.

Weerarka la fashiliyay ayay doonayeen Khawaarijtu inay ku waxyeeleeyaan dadka Soomaaliyeed ee u soo nasiinada taga goobtaas, kuna burburiyaan ganacsiga goobtaas taas oo muujinaysa cadowtooyada ay u qabaan shacabka Soomaaliyeed.

Ciidamada Amniga Caasimadda ayaa ku guulaystay in ay hoos u dhigaan falalkii cadowga Khawaarijta ah ay ku dhibaateyn jireen shacabka magaalada Muqdisho.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahad celinaysaa Shacabka Soomaaliyeed ee har iyo habeenba u taagan inay la shaqeeyaan ciidammada ammaanka ee u heelan inay ilaaliyaan nafta, maalka iyo sharafta dadka Soomaaliyeed, waxaana ka go’an dowladda inay sii laban laabto dadaalada lagu cirib tirayo Khawaarijta iyo ficiladooda.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Soo Laabashadii Farmaajo iyo Isbarbardhigga Siyaasadeed ee Muqdisho Ka Curtay

Hadal kooban oo uu jeediyey kadib imaatinkiisa ayuu ku sheegay inuu Muqdisho u yimid…

  • Soomaliya

    13-11-2025

  • 01:44PM

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM