Dowladda Soomaaliya oo heshiis shidaal baaris ah la gashay shirkad Mareykan ah

Image
Soomaaliya ayaa haysato kayd shidaal oo gaaraya 30 bilyan oo fuusto ama Barmiil.

Muqdisho, Soomaaliya - Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan saddex heshiis oo shidaal baaris ah la saxiixatay Shirkadda Liberty Petroleum oo fadhigeedu yahay dalka Maraykanka.

Munaasabadda heshiiska lagu saxiixayay ayaa waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Shidaalka iyo Macdanta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Heshiiskan cusub ee la saxeexay waxa uu ogolaanayaa muddo shan sano ah oo sahamin ah oo lagu samaynayo aagagga xeebaha 131, 190 iyo 206.

Shirkadda ayaa sidoo kale sameyn doonto sahan lagu ogaanayo suurtogalnimada qodista, taaasi oo haddii lagu guuleysto horseedi karaan in la guda galo shaqada Soo saarista shidaalka.

Maamulaha shirkadda Liberty Petroleum Len Franks, ayaa yiri: “Kaddib in ka badan toban sano oo wadahadal wax ku ool ah aan la yeelanay dowladda Soomaaliya, waxaa sharaf noo ah inaan saxiixno saddexdan qandaraas ee sahminta”.

Wasiirka Shidaalka Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa ku dhawaaqay in Soomaaliya ay dooneyso in ay bilowdo soo saarista Shidaalka dhamaadka sanadkan, iyadoo la qorsheynayo in howlo shidaal qodis ah laga sameeyo Dowlad-Goboleedyada Galmudug, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland.

Warbixin ay soo saartay dowladda Mareykanka ayaa muujineysa in Soomaaliya laga yaabo in ay haysato kayd shidaal iyo gaas ka badan 30 bilyan oo fuusto ama Barmiil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaafka Goobta iyo Ajandaha oo hakad geliyay Kulanka Xasan Sheekh iyo Gollaha Mustaqbalka 

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa ku wajahan magaalada Addis Ababa si uu uga qeyb galo shir madaxeedka Midowga Afrika.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:42AM

Sheekh Shariif oo Dib ugu Soo Laabtay Muqdisho Xilli Xiisad Siyaasadeed Korortay

Kulanka ayaa imanaya xilli Soomaaliya ay wajahdo muran xooggan oo la xiriira doorashooyinka, dib-u-eegista dastuurka.

  • Soomaliya

    12-02-2026

  • 09:31AM