Soomaaliya oo iska fogeysay eedeyn culus oo kaga timid Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay eedeyn uga timid Kenya oo ku aadan in ay xaraasheyso xirmooyin shidaal oo ku jira goobta ku taala xuduuda labada ee ay dacwadeeda hortaalo ICJ.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa xusay in dalka dhaca Geeska Afrika uu adkeynayo ilaalinta geedi u socodka gal-dacwadeedka loo gudbiyey maxkamada fadhigeedi yahay Hague.

Xukuumadda Nairobi ayaa dhowr jeer waxay ku eedeysay Muqdisho in ay suuq-geynayso xirmooyin Saliid oo ku jira gobolka Badweynta Hindiya.

"Soo jeedin kasta oo ku aadan in Soomaaliya ay si sharaf-darro ah isugu dayeyso in ay dalab u raadiso xirmooyin ku jira dhulka lagu muransan yahay waa mid gebi ahaanba aanan sal iyo baar lahayn," ayuu u sheegay Business Daily.

Hadalkan ayaa kusoo beegmayaa iyada oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay isku diyaarineyso dib u bilaabida dhageysiga kiiskan oo loo muddeeyay 9-ka bishan September ee sanadkan 2019.

Balse Kenya ayaa soo jeedisay in dib loo dhigay lana siiyo waqti ay ku qoroto qareeno dheeri ah maadaama ay eriday kuwii metalayey balse waxaa codsigaasi kasoo horjeesatay dowladda Soomaaliya oo “waqti lumis” ku sifeysay.

Go’aanka ugu dambeeya ayaa waxaa laga dhowrayaa xeer-beegtada hoostagta Qaramadda Midoobay, taasi oo go’aankeeda kusoo saareysa sida ugu dhaqsiyaha badan maadaama mar xalad xasaasi ah uu ku jiro kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM