Soomaaliya oo iska fogeysay eedeyn culus oo kaga timid Kenya

Image

NAIROBI, Kenya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska fogeysay eedeyn uga timid Kenya oo ku aadan in ay xaraasheyso xirmooyin shidaal oo ku jira goobta ku taala xuduuda labada ee ay dacwadeeda hortaalo ICJ.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta, Cabdirashiid Maxamed Axmed, ayaa xusay in dalka dhaca Geeska Afrika uu adkeynayo ilaalinta geedi u socodka gal-dacwadeedka loo gudbiyey maxkamada fadhigeedi yahay Hague.

Xukuumadda Nairobi ayaa dhowr jeer waxay ku eedeysay Muqdisho in ay suuq-geynayso xirmooyin Saliid oo ku jira gobolka Badweynta Hindiya.

"Soo jeedin kasta oo ku aadan in Soomaaliya ay si sharaf-darro ah isugu dayeyso in ay dalab u raadiso xirmooyin ku jira dhulka lagu muransan yahay waa mid gebi ahaanba aanan sal iyo baar lahayn," ayuu u sheegay Business Daily.

Hadalkan ayaa kusoo beegmayaa iyada oo Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ay isku diyaarineyso dib u bilaabida dhageysiga kiiskan oo loo muddeeyay 9-ka bishan September ee sanadkan 2019.

Balse Kenya ayaa soo jeedisay in dib loo dhigay lana siiyo waqti ay ku qoroto qareeno dheeri ah maadaama ay eriday kuwii metalayey balse waxaa codsigaasi kasoo horjeesatay dowladda Soomaaliya oo “waqti lumis” ku sifeysay.

Go’aanka ugu dambeeya ayaa waxaa laga dhowrayaa xeer-beegtada hoostagta Qaramadda Midoobay, taasi oo go’aankeeda kusoo saareysa sida ugu dhaqsiyaha badan maadaama mar xalad xasaasi ah uu ku jiro kiiskan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM