Dowladda Soomaaliya oo ka digtay Qarax Gaari oo ku jira Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay Digniin la xiriirta Qarax Al Shabaab ay qorsheynayso inay ka fuliso gudaha magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Maxamed Abuukar Islow "Ducaalle" ayaa ka sheegay Shirkii Gollaha Wasiiradda maanta in Gaari nooca loo yaqaano NOAH oo laga soo buuxiyay walxaha qarxa lasoo geliyay magaalada, islamarkaana la doonayo in lagu fuliyo weerar goobaha muhiimka ah ee ku yaalla caasimadda.

Gaarigan ayaa loo soo ekaysiiyay baabuurta Shirkadda Sahal ee ka shaqeysa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle kuwaasi oo rakaabka Diyaaradaha kasoo qaada Isgoyska KM4 (Lambar Afar).

Wasaaradda ayaa ugu baaqday dadka shacabka ee magaalada Muqdisho inay muujiyaan feejignaan, islamarkaana kusoo wargeliyaan Hay'addaha amniga hadii ay arkaan Gaari ay ka shakiyaan, si looga hortago weerarka la qorsheynayo.

Dhank kale, Wasiir Islow ayaa ku amray Ciidamada amaanka dowladda Federaalka Soomaaliya in si deg deg ah kusoo qabtaan Gaarigaasi lagu soo xiray walxaha qarxa.

Amaanka Muqdisho ayaa kasoo reynayay mudooyinkii dambe, inkastoo ay ka dhacayeen dilal iyo qaraxyo miino, iyadoo Isgoysyada wadooyinka muhiimka ay dhigtay dowladda ciidamo kala duwan oo baaritaan ku sameeya gaadiidka dadweynaha.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Soomaaliya oo ka walaacsan firaaq amni kadib go'aanka Mareykanka

Mareykanka ayaa sheegay in wixii ka dambeeyay December 2026 jarayo lacagtii uu ku bixin jiray howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 11:38AM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo tacsi ugu tegay Amiirka Qatar geerida Amiirkii hore

Kulanka waxaa sidoo kale goob joog ka ahaa Ku-xigeenka Amiirka Qatar, Sheekh Cabdulla bin Xamad Aal Thaani.

  • Soomaliya

    15-07-2026

  • 05:13AM