Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay dhul-gariirka ka dhacay Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku biirtay dalalka midnimada u muujiyey Turkiga kadib dhul-gariirkii ka dhacay bariga dalkaas, fiidnimadii Jimcaha.

Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha dibadda xukuumada Muqdisho, oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee mareega Twitter-ka, ayaa tacsi u diray ehelada dadka dhintay.

"ALLE soo kabasho degdeg ah ha siiyo dadka kale ee waxyeeloobay," ayuu hadalkiisa ku daray diblumaasiga ugu sareeya ee Soomaaliya.

In ka badan 25 ruux ayaa ku geeriyootay musiibada rabaaniga ah oo laga dareemay magaaladda Sivrice ee gobolka bariga waddankaas ku yaala ee lagu magacaabo Elazig.

Sidda ay sheegtay Hay'adda ka hortaga Musiibooyinka, waxaa ku dhaawacmay dhul-ruxanka in ka badan kun qof.

Macluumaadyo horudhac ah ayaa muujinaya in burburka maaliyadeed ee ka dhashay dhul-gariirka uu aad u badan yahay.

Soomaaliya iyo Turkiga ayaa sanadihii u dambeeyay lahaa xiriir wanaagsan oo dhanka diblumaasiyadda ah, waxaana xukuumada Ankara ay haatan dalka ka wadaa mashaariicyo horumarineed.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM