Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay hubka lagu bilaliqeystay Caabudwaaq

Image
Wasaaradda Amniga Gudaha xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay war-saxaafadeed.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay hubka ay qabsadeen shacabka magaalada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud. Wasaaradda Amniga Gudaha ayaa soo saartay war-saxaafadeed.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

Hay'adaha Amniga ee DFS oo si joogta ah ula socda isku day'yada hubka sida sharci darrada ah lagu soo galiyo dalka, ayaa waxay maalintii shalay oo ay taarkiihdu aheyd 15 ka July gacanta ku dhigeen hub ay kooxo ka ganacsada hubka sharci darada kasoo galiyeen dhinaca Ethiopia ee ku beegan Gobalka Galguduud.

Laamaha Amnigu markay gacanta kusoo dhigeen hubkaas ayaa waxaa jidgooyo udhigay maleeshiyaad hubaysan, taasina waxay sababtay in hubka qaar ka mid ah uu gacanta u galo maleeshiyaadkaas.

Ka ganacsiga hubka sharcidarada ahi waxa ay fursad u tahay Kooxaha Khawaarijta ah sidaas oo kale waxa ay qayb wayn ku leedahay hurinta colaadaha dhexmara Qabaailka Soomaaliyeed.

Dawladda Soomaaliya waxa ay ka xuntahay Falkaas foosha xun oo ay ku dhaqaaqeen Maleeshiyaadkaas wadada u galay Ciidanka Qaranka ee ku jiray gudashada waajibaadkooda Qaran, waxaana ka go'an in hubkaas lagu soo celiyo gacanta dawladda talaabo adagna laga qaado cidkasta oo ku lug lahayd falkaas xadgudubka ah.

Dawlada Federalka ah waxay odayaasha dhaqanka iyo shacabka deegaanka faraysaa in ay Hay'adaha Amniga kala shaqeeyaan hawlgalada soo celinta hubkaas.

Ugu danbayn Dawladdu waxa ay ka tacsiyaynaysaa Dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhalatay falkaas jid-gooyada ah ee ay gaysteen Maleeshiyaadka hubaysan.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Duuliye diyaaradiisa ku dejiyay xeebta Muqdisho si uu u badbaadiyo rakaabka

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinaya rakaab ka degaya diyaaradda kuna socdaalaya xeebta.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 07:46PM

Fahfaahin: Diyaarad siday 55 qof oo ku dhacday xeebta Muqdisho

Sawirro laga soo qaaday goobta ayaa muujinayay diyaaradda oo taalla ciidda xeebta, meel ka baxsan xeyndaabka garoonka Aadan Cadde.

  • Soomaliya

    10-02-2026

  • 12:17PM