Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay lacag uu ugu deeqay Bangiga Aduunka

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Bangiga Aduunka ayaa ansixiyey aduun dhan 55 milyan oo Doolar oo qayb ka ah Kaalmada Horumarinta Caalamiga ah oo lagu taageerayo soo kabashada dhaqaalaha Soomaaliya.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed, guddiga agaasimayaasha ee World Bank ayaa wuxuu meelmariyey deeqdaan oo lasii marinayo isbadalka miisaaniyadeed iyo isbadallada siyaasadeed ee kale.

Bayaanka ayaa lagu caddeeyay in tabarucaadaan loogu talagalay wax ka qabashada musiibada Covid-19 iyo dardargelinta barnaamijka dib-u-habeynta Maalgelinta Horumarinta Siyaasadda.

Cabdiraxmaan Ducaale Bayle, wasiirka maaliyadda xukuumadda federaalka, ayaa sheegay in lacagtaan ay gacan ka geysan doonto soo kabashada hoos u dhaca dhakhliga gudaha ee Covid-19 sababay.

"Waxa aan aad ugu faraxsanahay in Bangiga Aduunka uu ansixiyay in Soomaaliya la siiyo $55 milyan oo ah Caawimaad loogu talagalay kabka Miisaaniyadda iyadoo lagu guda jiro xili adag," ayuu yiri.

Wasiirka ayaa hadalkiisa raaciyey: "Lacagtaan Deeqda ah waxa aan ku mutaysanay Maamul wanaagga Maaliyadda iyo Hufnaanta dhaqaale ee aan ku talaabsanay Sadexdii Sanadood ee la soo dhaafay".

"Waxaa muhiim ah in aan ku dadaalno sidii aan dakhliga dalkeena u sii kordhin laheyn anagoo kaashaneyna Shacabka iyo Ganacsatadeena, ilaa iyo inta aan isku filnaasho ka gaaridoono," ayuu xusay.

Bishii Maaj 25-keeda, 2020, Bangiga Aduunka iyo Hay'adda Lacagta Caalamka ayaa sheegay in Soomaaliya ay u qalanto in laga cafiyo deynta, balse go'aanka deyn cafinta wuxuu qaadan karaa sanado badan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM