Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay weerarkii AS ee degaanka Ceeldheer

Image
Weerarkan ayaa waxa uu ku bilowday duulaan gaadmo ah oo ay soo qaadeen xubnaha Al-Shabaab.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa fahfaahin ka bixisay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey degaanka Ceeldheer ee gobolka Galgaduud.

HOOS KA AKHRISO BAYAANKA

WAR SAXAAFADEED
FAAHFAAHIN HAWLGALKA DEGMADA CEELDHEER EE LAGU JABIYAY KHAWAARIJTA

Muqdisho, 08, June 2024: Ciidamada Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka oo xog dhameystiran ka hayay isku day cadowga khawaarijta ah ay ku soo weerarayaan degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ayaa u degay qorshe difaac oo lagu burburiyay kooxdii naf la caariga ahayd ee weerarka gaadmada ah soo qaaday.

Dagaalka koowaad waxaa uu ka dhacay banaanka magaalada oo marka hore ay isku fara saareen ciidan loo diyaariyay maleeshiyadii la soo khaldey, waxaana halkaas lagu dilay ilaa 9 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta.

Dhagarqabayaashii oo ku jabay goobta dagaalka ayaa dib uga baxsaday magaalada, iyaga oo u kala firxaday qeyba kala duwan. Geesiyaasha deegaanka iyo ciidanka Qaranka oo dabin u diyaariyay ayaa ku helay tuulo u dhaxaysa deegaanka Cali Yabaal iyo xarunta degmada, waxaana halkaas ay ku dileen ilaa 18 ka tirsanaa maleeshiyaadkii habqanka ahaa ee ku soo jabay dagaalkii Ceeldheer, waxaana ay ka qabsadeen gaadiid iyo saanad kale.

Sidoo kale, intii ka hartay Khawaarijta waxaa duqeyn dhinaca cirka ah lagula beegsaday deegaanka Cali Yabaal, waxaana xogta horudhaca ah ee laga helay ay sheegaysaa in lagu laayay in ka badan 20 Khawaarij ah oo isugu jiray maleeshiyaad iyo horjoogayaal.

Meydadka Khawaarijta ayaa wali daadsan goobihii ay ka dhaceen dagaaladii ay ku hoobteen cadowga, waxaana wadarta guud ee khasaaraha horudhaca ah uu muujinayaa in 47 xubnood laga dilay cadowga,.

Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha deegaanka ee cashirka lama ilaawaanka ah u dhigay Khawaarijta, waxaa ka shahiiday 5 xubnood oo naftooda u huray baabi’inta cadowga ku soo gardarooday dadkooda iyo dalkooda.

Ciidanka Xoogga Dalka ayaa weli ku dabajooga maleeshiyaadkii cararey oo qaarkood ay dhaawacan yihiin, waxaana dowladdu si joogta warbixin uga siin doontaa dadweynaha hadba sida ay xaaladdu noqoto.


GAROWE ONLINE

Related Articles

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM

 Xasan Sheekh: Mucaaradka ma leh aragti mideysan, waana kala jabay

Isaga oo ka hadlayay munaasabad ka dhacday magaalada Dhusamareb, caasimadda dowlad-goboleedka Galmudug.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 12:46PM