Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay askari kaga dhintey Uganda

Image
Wasiirka Difaaca xukuumadda federaalka ayaa gaashaanka ku dhuftey wararka laga faafiyey dhimashadda Maxamed Xasan Nuur.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay waxay ka hadashay askari kamid ahaa ciidamadda tababarka loogu qaadey Uganda oo ku dhex-geeriyoodey isbitaal ku yaalla caasimada Uganda.

Wasiirka gashaandhiga, Cabdiqaadir Maxamed Nuur oo u waramay laanta afka Soomaaliga ee idaacadda VOA-da, ayaa shaaca ka dhigay in uu xanuun u geeriyoodey wiilka wallow uu ka gaabsadey in uu bixiyo xog dheeraad ah.

Mr Nuur oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu qashinka ku daray wararka la isla dhexmarayo ee ku saabsan in askarigaas lagala baxay xubno kamid ah jirkiisa gaar ahaan kiliyaha.

"Qolo ayaa warkii xumo-tashiilisay markii ay arkeen jirkiisa oo jeexan. Dadkan Soomaaliga ah meyd in la jeexo dad hadda ka dhagarsan ma ahan. Kili ayaa laga baxsadey ayaa laga buuxiyey. Intaas ayaa waalidkiisa gaartey," ayuu yiri.

Isaga oo sharaxaya qalliino ka muuqdey jirka askariga, wasiir Nuur ayaa ku tilmaamay "hubin ay dhakhaatiirta ku sameynayeen sababaha keenay dhimashadiisa" iyo "habraac u degan Uganda marka la dhoofinayo meydka qof ajnabi ah".

"[Askariga] xerada ayaa laga qaadey isaga oo xanuunsan. Muddo kadib ayuu ku geeriyoodey isbitaalka. Annaga ka dowlad ahaan, wax kasta oo lagu caddeyn karay sababta uu u dhintey waa sameynay waana ku qanacnay," ayuu xusay.

Waalidka, qaraabadda iyo siyaasiyiinta uu kasoo jeeda askariga dhintay ayuu ku nuux-nuux-sadey in ay siiyeen tafaasiil ku saabsan qalliinada ka muuqdey meydka isla markaana ay is-faham buuxa ka gaareen qaddiyadaas.

"Anaga ma dhahayno meydka qasab ku duugga. Laakiin daruufaha aan kuu sheegay oo ay kamid tahay in warkii si qaldan loogu sharaxay dadka, marka way dhici kartaa in sidaas looga faa'iideystay," ayuu ku doodey wasiir Nuur.

Dadweynaha magaalada Xudur oo ka banaanbaxay dhacdadan ayuu ugu baaqay in ay is-dajiyaan waxaana uu meesha ka saarey in "aniga oo kasoo jeeda Bakool qof degaanka ah aysan suurtagal ahayn in lagu sameeyo waxyaabaha qaar".

Marxuumka oo lagu magacaabayay Maxamed Xasan Nuur ayaa la sheegay in uu Uganda ku geeriyoodey 14-ka bishii April sanadkan 2023-ka, waxaana uu kamid ahaa askarta maamulka madaxwayne Xasan Sheekh uu tababarka u diray.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM