Dowladda Soomaaliya oo kaamirooyin cusub ku xirtay jidadka Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa kaamirooyin cusub oo horleh waxay ku xirtay qaar kamid ah wadooyinka magaaladda caasimadda ah ee Muqdisho.

Kaamirooyinkan oo ah kuwa qarsoodiga ah ee loogu yeero CCTV ayaa lagu rakibay isgoysyadda waaweyn ee caasimadda iyo dhamaan wadooyinka gala Madaxtooyadda Soomaaliya.

Saraakiisha amniga ayaa talaabadan ku macneeyay mid sarre loogu qaadayo xaqiijinta ammaanka.

Illo wareedyo xog ogaal ah ayaa u sheegay Garowe Online in kaamirooyinkan laga maamulayo xarunta nabad-sugida iyo sirdoonka Soomaaliya ee loo yaqaano Habar-khadiijo.

"Qorshaha waa in lawada gaarsiiyo wadooyinka magaaladda oo idil. Kadib waxaa dib loo furayaa jidadka xiran," ayuu yiri sarkaal ka gaabsaday in uu soo bandhigo magaciisa.

Talaabadan ayaa kusoo aadeysa xili Al-Shabaab ay dhowaan weerartay huteelka SYL oo ku dhow Villa Soomaaliya, halkaasoo lagu dilay shan qof – laba asakri iyo saddex shacab ah.

Dableyda falkaas ka dambeysay oo gaarayey shan kuwaasoo dhamaantooda la toogtey ayaa watay dareeska booliska.

Ilaaladda Villa Soomaaliya ayaa kadib dhacdadaas lagu amray in ay xakameeyaan dhaqdhaqaaqa ciidamadda xiran dareeska booliska ee ka akdhawaada guriga looga aramiyo Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM