Dowladda Soomaaliya oo ku celisay aragtideeda qadiyada Laascaanood

Image
Ugu yaraan 200 qof ayaa lagu waramay in ay ku naf-waayeen colaadda xarunta gobolka Sool.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dooneysa in colaadda Laascaanood lagu dhameeyo wadahadal iyo dib u heshiisiin, sidda uu sheegay wasiirka arrimaha gudaha, federaalka iyo dib-u-heshiisiinta.

Axmed Macalin Fiqi oo u waramay warsidaha fadhigiisu yahay caasimada Kenya ee Nairobi ayaa ku nuux-nuux-sadey in xukuumadda federaalka ay "aqoonsan tahay rabitaanka shacabka xarunta gobolka Sool".

Fiqi oo hoosta ka xariiqay in dowladda aysan marnaba ogolaan doonin "in gacanta lala tago muwaadin Soomaaliyeed oo xaqiisa u doodaya" ayaa tibaaxay in ay jiraan "dhowr hindise oo xabad-joojin" lagu gaarayo.

"Xukuumad ahaan, diiradda ma saarno jeedinta eedeyn, balse waxaa muhiim ah sidii aan u heli lahayn xal nabadeed oo waara oo faa'iido u leh muwaadiniinteenna iyadoo aan si deg-deg ah taageero bini'aadinimo u siineyno dhibanayaasha iska-hor-imaadyadaas nasiib-darrada ah. Iyadoo taa la sheegayo, waxaa jira dhowr hindise oo dowladeed oo xabbad joojin ah," ayuu yiri.

Wuxuu ku daray: "Dowladda Federaalka ma ogolaaneyso in maamul ka tirsan Jamhuuriyadda Soomaaliya uu ku caburiyo ama uu gacanta ula tago muwaadin Soomaaliyeed. Madaxweynaha ayaa ka hadlay arrintan, isagoo labada dhinac kala hadlay in si nabad ah lagu dhameeyo".

"Anigoo ah Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta, waxaan sidoo kale ka hadlay shaqaaqadii ka dhacday Laascaanood oo ay ku jirto 7-dii February 2023, halkaas oo aan ku sheegay mawqifka dawladda ee ah mas'uuliyadda ilaalinta mabaadi'da dimoqraadiyadda ee Federaalka. Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo ilaalinta xuquuqdooda, hantidooda iyo xorriyaddooda," ayuu xusay.

Wasiirka ayaa kusoo diray: "Iyadda taas ay jirto, dawladda Soomaaliya waxay soo dhawaynaysaa doorashada iyo rabitaanka shacabka Laascaanood. Waxaan codsaneynaa in arrinta si nabad ah lagu dhameeyo wadahadal iyo dib u heshiisiin".

Ugu yaraan 200 qof ayaa lagu waramay in ay ku naf-waayeen colaadda Laascaanood ayna ku barakaceen dad ka badan 80,000 ruux. Qaar badan oo kamid ah shacabkaas waxay gaareen ismaamulka Soomaaliya ee ka tirsan dalka Itoobiya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Isxaaq Subag: Xasan Sheekh baa u dhacay oo kursigeyga siiyay saaxiibkiisa

Anigoo wax dembi ah la iigu soo eedeyn, shaqadaydana wata, oo bishii lasoo dhaafayna qaatay mushaarkayga.

  • Soomaliya

    08-04-2026

  • 12:24PM

Madaxweyne Deni oo ku eedeeyay dowladda federaalka inay wiiqayso nidaamka federaalka

Wuxuu intaas ku daray in Puntland ay ka go’an tahay ilaalinta nidaamka federaalka iyo ka hortagga wax kasta oo lid ku ah. 

  • Soomaliya

    07-04-2026

  • 06:00PM