Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqdey dilka 10 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan qorsheysan ayaa waxaa lagu waramay in uu todobaadkan ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan toban xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Sidda ay sheegtay xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdsiho, howlgalkan qorsheysan ayaa wuxuu todobaadkan ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Arbacadii, howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno isku uruursanayay xadka ay wadaagaan gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Wasaaraddu waxay iftiimisay in ciidamadu ay ku guulaysteen inay fashiliyaan qorshaha kooxdaasi, isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo soo gaadhay shacabka hawlgalkaasi.

Labo maalmood ka hor ayay aheyd markii ciidamada Mareykanka ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana weerarkaas lagu dilay hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay taliye sare oo ka tirsan Al-shabaab oo kaashanaya ciidamada Mareykanka. Ilaa iyo hadda lama sheegin cidda uu ka tirsan yahay maleeshiyada dhimatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Doon Iran laga leeyahay oo Ay Afduub u Adeegsadeen Burcad-Badeedda Soomaaliya oo la qabtay

Ciidamada badda Midowga Yurub ayaa markabka shidaalka ahaa sugeen oo amnigiisa xaqiijiyeen Jimcihii lasoo dhaafay.

  • Soomaliya

    12-11-2025

  • 09:01AM

DFS oo ka digtay in la jebiyo nidaamka duulista hawada Soomaaliya

SCAA ayaa ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jiraan shirkadaha duulimaadyada gudaha iyo dibadda.

  • Soomaliya

    11-11-2025

  • 01:41PM