Dowladda Soomaaliya oo ku dhawaaqdey dilka 10 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan qorsheysan ayaa waxaa lagu waramay in uu todobaadkan ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ugu yaraan toban xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay howlgal ay si wada jir ah u fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka.

Sidda ay sheegtay xukuumadda fadhigeedu yahay magaaladda Muqdsiho, howlgalkan qorsheysan ayaa wuxuu todobaadkan ka dhacay gobolka Jubbada Dhexe ee Soomaaliya.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Arbacadii, howlgalka ayaa lagu beegsaday xubno isku uruursanayay xadka ay wadaagaan gobollada Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.

Wasaaraddu waxay iftiimisay in ciidamadu ay ku guulaysteen inay fashiliyaan qorshaha kooxdaasi, isla markaana aanay jirin wax dhibaato ah oo soo gaadhay shacabka hawlgalkaasi.

Labo maalmood ka hor ayay aheyd markii ciidamada Mareykanka ay duqeyn cirka ah ka fuliyeen meel ku dhow degmada Jilib ee gobolka Jubbada Dhexe, waxaana weerarkaas lagu dilay hal dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab.

Si kastaba ha ahaatee, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in la dilay taliye sare oo ka tirsan Al-shabaab oo kaashanaya ciidamada Mareykanka. Ilaa iyo hadda lama sheegin cidda uu ka tirsan yahay maleeshiyada dhimatay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Turkiga oo Soomaaliya ka dhigaya Goob ay Quwadaha Caalamku ku Hardamaan

Warbixintu waxay tilmaamaysaa in xaruntan ay Turkiga u suuragelin karto inuu ballaariyo…

  • Soomaliya

    05-07-2026

  • 06:20AM

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM