Dowladda Soomaaliya oo ku fekereysa in ay erido safiirka Kenya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ayaa ku fekereysa in ay erido danjiraha Kenya, sidda ay illo wareedyo lagu kalsoonaan karo ay u sheegeen warsidaha Garowe Online.

Lucas Tumbo oo todobaadkii hore looga yeeray xafiiska Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Muqdisho ayaa waxaa lagu wareejiyay warqad cabasho oo ka dhan ah xukuumadda Nairobi.

Go’aanka eritaanka Tumbo ayaa salka ku haya markii diyaarado ka diiwaan-gishan Kenya ay tageen Kismaayo maalmihii u dambeeyay, talaabadaas oo Soomaaliya u aqoonsatay "xadgudub".

Caasimadda ku meel gaarka Jubbaland ayaa xayiraad socdaalka ah waxaa saartay dowladda. Diyaaradaha degaya waxaa lagu amray in ay soo maraan madaarka Muqdisho.

Maamulka Kismaayo ayaa go'doomin ku sifeeyay go'aankaas. Halka xisbiyadda dalka ay ku sheegeen isku day lagu carqaladeynayo caleema saarka Axmed Madoobe kadib doorashadiisa.

Diyaaradda oo 5-tii October ka degtay xarunta gobolka Jubadda Hoose ayaa waday siyaasiyiin ka qeybgalaya munaasabadda oo loo muddeeyay 19-kii September, balse baaqatay.

Xafladda ayaa lagu wadaa in Sabtida maanta ka qabsoonto magaaladda dekadda leh ee Al-Shabaab laga saarey sanadkii 2011-kii kadib guluf balaaran oo ciidamada AMISOM qayb ka ahaayeen.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka, siyaasiyiin iyo madax kale ayaa todobaadkii hore tegay Kismaayo markii ay dowladdu qaadey xayiraada kadib cadaadis kaga yimid Beesha Caalamka.

Isla maanta waxaa ka degtay Kismaayo diyaarad kale oo siday wafdi ka socda Kenya oo uu horkacayo Aadan Barre Ducaale. Tani ayaa imaaneysa xili ay xukuumadda mar kale mamnuucday duulimaadka tooska ee Kenya iyo Kismaayo.

Kenya ayaa bishii Febraayo ee sanadkan soo ceyrisay safiirka Soomaaliya, talaabadaas oo la xiriirtay markii ay ku eedeysay Muqdisho in ay xaraasheyso goob ay labada dal isku haystaan.

Goobtaas oo ku taala xuduudka labada dal isla markaana badkeedu tahay 150 KM isku wareeg ah ayaa hodan ku ah kheyraad dabiici ah sida Gaaska Naqaska ah iyo Shidaal nooca ugu fiican.

Maxkamadda Cadaaladda Aduunka ee ICJ oo kiiskan uu horyaalo ayaa la filayaa in ay go’aan kasoo saarto goorta ay dhageysan doonto maadaama ay Kenya codsatay in 12 bilood dib loo dhigo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Burcad-badeedda Soomaaliya oo dilay shan ka mid ah shaqaalihii markab laga soo furtay

Ciidamada Booliska Badda Puntland ayaa sheegay in markabka uu hadda ammaan ku jiro, isla markaana uu gacanta ugu jiro dowladda.

  • Soomaliya

    30-09-2026

  • 06:13AM

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM