Dowladda Soomaaliya oo maanta si rasmi ah uga mid noqon doonta Urur Goboleedka EAC

Image
Waxaa heshiiska gudooomi doona Xoghayaha Guud ee EAC.

Arusha (GO) - Munaasabad ay Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ku gudbineyso heshiiska rasmiga ah ee ku biirista Urur Gobolleedka Bariga Afrika ayaa lagu wadaa in ay maanta ka dhacdo Magaalada Arusha ee waqooyiga Tanzania.

Waxaa heshiiska gudooomi doona Xoghayaha Guud ee EAC, waxaana ka mid ah Wafdiga Soomaaliya Wasiirka Ganacsiga Mudane Jibriil Cabdirishiid Xaji Cabdi, Wasiirka Warfaafinta Mudane Daa’uud Aweys Jaamac iyo xubno kale.

Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhawaan Cod aqlabiyad ah ku ansixiyay heshiiska ku biirista Soomaaliya ee Urur-Goboleedka Dhaqaalaha Bariga Afirka ee “EAC”.

Ururkan ayaa ka mid ah dalalka Kenya, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, Rwanda, South Sudan, Uganda iyo Tanzania oo kamid ah xubnaha ururkan.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ku biirsta ururkan oo faa’iidooyin badan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed siiba kuwa ganacsi ku leh wadamada ku midaysan ururka.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM