Dowladda Soomaaliya oo qaraan u uruurinaysa dagaalka Al-Shabaab

Image
Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa codsi u diray qurba-joogta Soomaaliyeed ee ku nool aduunka.

MUQDISHO, Soomaaliya - Qurba-joogta Soomaalida ee ku nool daafaha caalamka waa in ay maalgeliyaan dagaalka lagu soo afjarayo Al-Shabaab, sidda uu ka codsadey madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud.

Hadalkan ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu ka sheegay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kadib markii uu la kulmay Soomaalida ku nool Qaarada Yurub.

Sidda ay sheegtay Madaxtooyadda Qaranka, kulankan ayaa ahaa mid bulshadda ay ku taageereysay "halganka dib u xoreynta dalka iyo ciribtirka Khawaarijta Al-Shabaab".

Xasan Sheekh oo kulankan ka hadlay ayaa waxa uu hoosta ka xariiqay in dowladdiisu ay qaaraan uga baahan tahay Jaaliyadaha Soomaalida ee aduunka si ay u dardargeliso gulufka ka dhanka ah kooxda.

Sidda laga soo xigtey hogaamiyaha Soomaaliya, maamulkiisa wuxuu mashruucii ahaa "Hal doolar dalkaaga ku dhiso" waxa uu u badalay "Hal doolar dalkaaga ku difaac". Qodobkan ayuu si gaar ah u sharaxay.

"Hal Pound marka ay isku daraan intaan meesha fadhisa hal Pound miyaa? Waa hanti aad iyo aad u badan. Malaayiinta Soomaalida ah marka ay isku dardaraan waa malaayiin; wax bay tareysaa," ayuu sii raaciyey.

Dhawaqan ayaa kusoo hagaagaya xilli ay isa soo tarayaan warbixinadda ku saabsan in howlgaladii dardarta ku socdey dhowrkii bilood lasoo dhaafay ay u hakdeen dhaqaale yari ayna xukuumadda lacag raadineyso.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM