Dowladda Soomaaliya oo ruqsada kala noqotay hay'addo warbaahineed

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Talaadada maanta ah waxay shaqadda ka joojisay laba kamid ah hay'addaha warbaahineed ee dalka ka howlgali jiray.

Media Ink iyo Perspective Media ayaa lagu eedeeyay in ay hareer-mareen siyaasada ay Wasaarada Warfaafinta u dejisay in ay ku shaqeeyaan dhigooda ku sugan waddanka dhaca bariga Afrika.

Bayaanka oo nuqul kamida uu helay mareega Garowe Online ayaa waxaa ku saxiixnaa Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalada, agaasimaha guud ee Wasaaradda.

Warka qoraalka ah oo faafinta rasmiga ah lagu soo saarey luqada English-ka ayaa nan lagu caddeyn qodobada ay sida gaarka ah "ugu tunteen" hay'addahan.

Dhinaca kale, ma jiro wax falcelin ah oo labada hay'addood ay illaa iyo haatan ka sameeyeen go'aanka liddiga u ah.

Hay'addahaan ayaa xarumo kala duwan waxay ku leeyihiin badi dalalka ku yaala qaaradda hodanka ah ee Afrika gaar ahaan kuwa deriska.

Go'aankaan ayaa wuxuu kusoo hagaagayaa xili dowladda ay mudooyinkii dambe wajaheysay dhaliilo kua aadan "caburinta saxaafadda xorta ah".

Ciidamada ammaanka ayaa xabsi dhigay dhowr wariyeyaal iyaga oo ku guda jira gudashada waajibaadkooda. Qaarkood waxay baaqi ku yihiin xabsiga maxkamad la'aan, halka kuwa kale lasoo daayey.

WAR-SAXAAFADEEDKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM