Dowladda Soomaaliya oo sameynaysa sharci la xiriira aaladda AI

Image
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya ayaa qaddiyadan kala hadlay madaxda Ururka ITU.

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Soomaaliya Maxamed Aadan Cali (Soomaali) oo ka qeybgalaya Madasha Isgaarsiinta Caalamka oo lagu qabtay sanadkaan Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland ayaa kulan gaar ah la yeeshay Mrs. Doreen Bogdan-Martin Xoghaayaha guud ee Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah ee ITU.

Kulankaan oo diiradda lagu saara xoojinta iskaashiga ka dhaxeeya Soomaaliya iyo ITU, ayaa looga hadlay horumarinta Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyadda, dhiirigalinta kor uqaadista xirfadaha Dhijitaalka, Sara u qaadista ICT-da iyo sidii Sharciyo iyo habraac looga samenynlahaa Maamulka Garaadka Macmalka IA maadaama si xolwli uu ku socdo.

Mr Soomaali ayaa Xoghaayaha guud ee IT la wadaagay guulaha ay Soomaaliya ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada xilligaana xooga la saaraayo xirfadaha Dhijitaalka.

"Wasaaradda waxa ay go'aansatey in ay kor u qaaddo xirfadaha dhijitaalka, dhallinyarada waxaa la siinayaa tababar ku saabsan xirfadaha lagama maarmaanka u ah Suuqa Shaqada dhijitaalka," ayuu yiri wasiir Soomaali.

Wasiirka Isgaarsiinta ayaa dadaal ugu jira dardargalinta Casriyeenta Nidaamka dowliga iyada oo xooga la saaraayo dhijitaalka iyo adeega e-commerce iyo e-government oo xilligaan baahi weyn loo qabo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dagaal ka dhacay Gobolka Gedo oo ku loolamayaan DFS iyo Jubaland

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in weerarka Birta Dheer uu ka mid yahay howlgallo ballaaran oo laga wado gobolka Gedo.

  • Soomaliya

    23-08-2025

  • 07:43AM

Qarax ka dhacay duleedka magaaladda Muqdisho

Wararka deegaanka ayaa sheegaya in odayaasha ay wadeen baaritaan ku saabsan dhul markii ay miinadu qaraxday.

  • Soomaliya

    21-08-2025

  • 01:11PM