Dowladda Soomaaliya oo shaacisay 32 kiis cusub oo ah Covid-19

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Guud ahaan Soomaaliya 24-kii saac ee lasoo dhaafay waxaa laga helay 35 kiis oo Coronavirus ah, sida ay shaacisay wasaaradda Caafimaadka federaalka ah.

Laba kamid ah xaaladahaan waxaa laga soo wariyey Hargeysa iyo Boorama oo ka tirsan Somaliland, halka 32 kamid ah laga diiwaan-geliyey Muqdisho, sidda ku xusan warbixinta.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in tiradda guud ay noqoneyso 60 xaaladood. Waa koror aad u balaaran marka laga hadlo kiisaskii hore waana maalintii ugu badneyd, illaa iyo hadda.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay in la diiwaan geliyay 35 xaalad oo cusub oo COVID-19 ah 24kii saac ee ugu dambeysay. Xaaladaha cusub 32 kamid ah waxay ku suganyihiin magaalada Muqdisho, labo waxaa laga diiwaan geliyay Hageysa, Booramana waxaa laga helay qofkii ugu horreeyay.

• Wasiirka Caafimaadka iyo daryeelka bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa warbxinta maalinlaha ah ee arrimaha COVID-19 ku sheegtay in Xaaladaha maanta soo kordhay ay tirada guud ee dadka laga diiwaan geliyay ka dhigayaan 60 xaaladood.

• 52 kamid ah bukaannada xaaladdooda caafimaad aad ayey u wanaagsan tahay waxa ayna ku karantiilan guryahooda, sedax kamid ah waxaa lagu baxnaaninayaa Isbitaal De-Martini, iyada oo qofka kale uu ku jiro xarun caafimaad oo ku taalla Xalane.

• Marwo Fowsiya Abiikar Nuur waxay ugu baaqday dadka inay guryahooda joogaan hadii aysan jirin arrimo muhiim u ah nolosha, dadkuna kala fogaadaan ugu yaraan laba mitir, taxadar gaar ahna la siiyo dadka da’da ah iyo dadka qabad cudurada daba dheeraada.


Sikastaba ha ahaatee, waxaa muuqaneysa in ay xaqiiqo noqoneyso saadaalin ay wasaarada caafimaadka horey u sameysay oo ku aadan in kiisas badan laga diiwaan-gelin doono Muqdisho.

GAROWE ONLINE

Related Articles

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM

Lafta-Gareen: Tallaabooyinka dowladda qaadey waa dagaal Toos ah oo KG lagu soo qaadey

Shacabka Koonfur Galbeed waxay u arkaan tallaabada dowladda Soomaaliya weerar qabiil, oo lagu soo qaadey Koonfur Galbeed.

  • Soomaliya

    26-03-2026

  • 08:21AM