Dowladda Soomaaliya oo shaacisay dilka 40-xubin oo ka tirsanaa AS

Image
Hawlgalka ayaa ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose.

Afgooye, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo iyo saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ballaaran ka fuliyay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxaafadeed oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu ku yimid xog ay ciidanka dowladda ka heleen maleeshiyaad isku aruursanayay deegaannadaan.

Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-xubin oo ka tirsan AS, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale waxa jira meleeshiyaad ku dhaawacmay hawlgalladan.

Warsaxaafadeedka dowladda ayaa lagu yiri: “Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Khawaarijta ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka”.

Howlgalladan inta badan laga fuliyay tuulooyin hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose ayaa jab lagu gaarsiiyay kooxda AS, waxaana looga dilay xubno badan oo ay ka mid yihiin horjoogayaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM