Dowladda Soomaaliya oo shaacisay dilka 40-xubin oo ka tirsanaa AS

Image
Hawlgalka ayaa ka dhacay deegaano hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose.

Afgooye, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo iyo saaxiibada caalamka ayaa hawlgal ballaaran ka fuliyay deegaannada Baqdaad iyo Baldooska oo hoos taga degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxaafadeed oo ay dowladdu soo saartay ayaa lagu sheegay in hawlgalkan uu ku yimid xog ay ciidanka dowladda ka heleen maleeshiyaad isku aruursanayay deegaannadaan.

Hawlgalka ka dhacay deegaanka Baldooska waxaa lagu dilay 24-xubin oo ka tirsan AS, halka 15-ka kale lagu dilay duqayn ka dhacday deegaanka Baqdaad. Sidoo kale waxa jira meleeshiyaad ku dhaawacmay hawlgalladan.

Warsaxaafadeedka dowladda ayaa lagu yiri: “Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha dadka deegaanka oo iskaashanaya ayaa maalmihii ugu danbeeyay Khawaarijta ka sifeeyay deegaanno dhowr ah oo ku yaala dhanka xeebta Muqdisho ilaa iyo magaalada Marka”.

Howlgalladan inta badan laga fuliyay tuulooyin hoostaga gobolka Shabeellaha Hoose ayaa jab lagu gaarsiiyay kooxda AS, waxaana looga dilay xubno badan oo ay ka mid yihiin horjoogayaal.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cirro oo Si Qarsoodi Ah U Boqday Israa’iil, Lana Kulmay  Netanyahu - XOG

Booqashadan ayaa timid iyadoo Israa’iil noqotay dalka ugu horreeya ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, oo ah gobol ka tirsan Soomaaliya.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 02:03PM

Xasan Sheekh oo wadahadal ku saabsan aqoonsiga Somaliland la yeeshay Hoggaamiyeyaasha Bariga Afrika

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in aqoonsigaasi uu yahay fal sharci-darro ah oo halis gelinaya xasilloonida gobolka.

  • Soomaliya

    27-12-2025

  • 12:52PM