Dowladda Soomaaliya oo shaacisay in kiisaska Corona ay gaareen 135

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Wasaaradda Caafimaadka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah waxay shaacisay in tiradda kiisaska Coronavirus ay gaareen 135 xaaladood.

Kiisaska soo kordhay oo ah 19 qof ayaa kamid ahaa 25 ruux oo maanta caabuqa laga baarey, sidda ay wariyeyaasha u sheegtay Fowziya Abiikar Nuur, wasiirka wasaaraddaas.

Fowziya oo hadalkeeda sii wadata ayaa xustay in tiradda dhimashadda ay gaartay todoba qof. Balse, ma aysan bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan bukaanada cusub.

"Sidaad arkeysaan cudurka fididiisa way socotaa, waxaan ku talineynaa mar walba hadii aan nahay Wasaaradda iyo guud ahaan bahda Caafimaadka; in taxadarka la badiyo, in si kasta oo cudurka looga hortagi karo looga hortago, in lagu dedaalo sidii nadaafada kor loogu qaadi lahaa, gacma dhaqashada," ayay raacisay.

Illo wareedyo lagu kalsoon yahay kuna dhow wasaaradda ayaa u sheegay warsidaha Garowe Online in bukaanada cusub ay 15 kamid yihiin Lab, 4-ta kelana ay yihiin Dhedig.

Shalay ayay ahayd markii la diiwaan-geliyey 36 kiis oo cuusb, taas oo wadarta guud ka dhigtay 116. Xaaladaha oo lagu xaqiijiyey 24-saac gudaheeda 27 waa LAB, 9 kalena waa DHADIG. 

Bartamihii bishii lasoo dhaafay ee Maaj ayay ahayd markii ugu horeysay oo gudaha Soomaaliya laga soo wariyey kiiskii koowaad oo cudurka Covid-19 ah. Muwaadin ka yimid Shiinaha ayuuna soo ritay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh oo UN-ka ka sheegay in Soomaaliya u socoto dimuqraadiyad, xilli muddo-korarsi xafiiska ku joogo

Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay doonayso in khilaafaadka siyaasadeed lagu xalliyo wadahadal, sharciga iyo doorashooyin.

  • Soomaliya

    25-09-2026

  • 12:01PM

Maxkamad hor istaagtay go’aankii Trump ee CNN iyo warbaahinta kale looga mamnuucay Aqalka Cad

CNN, MS NOW iyo Politico ayaa 21-kii Sebteembar dacwad wadajir ah ka gudbiyey…

  • Soomaliya

    24-09-2026

  • 02:45PM