Dowladda Soomaaliya oo shaacisay khasaaraha qaraxii xerada Turkiga

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa shaacisay khasaaraha ka dhashay qaraxii is-miidaaminta ee saaka ka dhacay afaafka hore ee saldhiga Turkiga ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Ismaaciil Mukhtaar Cusmaan, afhayeenka wasaaradda warfaafinta oo qoraal soo dhigay baraha bulshadda, ayaa xaqiijiyey in ciidanka ay toogteen ruux damacsanaa in uu isku qarxiyo layli saraakiil.

Layliga saraakiisha ayaa ku jiray saf dheer, waxaana xilliga uu falku dhacayey ay isku diyaarinayeen in ay galaan xeradda.

Sidda laga soo xigtay Cusmaan, saddex qof oo uu ku jiro is-miidaamiyaha iyo laba shacab ah ayaa ku geeriyooday ficilkaas.

Mid kamid ah dadka dhintay, sidda uu xusay afhayeenka, waxaa uu ahaa arday doonayey in uu ku biiro ciidamadda isla markaana safka ku jiray.

"3 Qof oo uu ka mid ahaa dhagarqabe xiran suunka walxaha qarxa ayaa ku dhintay qarax ka dhacay banaanka Dugsiga tababarka Turkey-Som, Ciidamada ayaa Ka shakiyay kadibna toogtay," ayuu yiri.

Mid kamid ah dadka dhaawacmay waxaa uu ahaa arday doonayey in uu ku biiro ciidamadda isla markaana safka ku jiray.

Ma jirto koox illaa iyo haatan sheegatay mas'uuliyadda falkaas, hase ahaatee, waxaa dhacdooyinkaas looga bartay Al-Shabaab.

Saldhiga Turkiga ee Muqdisho oo ku yaala degmada Wadajir ayaa ku dhow xarunta howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxaana ammaankeeda uu yahay mid si weyn ay u sugaan "ciidan Soomaaliyeed oo aad u tababaran".

GAROWE ONLINE

Related Articles

Khilaaf ka taagan cidda hoggaaminaysa Koonfur Galbeed xilliga kala-guurka

Imaanshaha weftiga ayaa muujinaya bilowga kala-guur ay hoggaaminayso dowladda federaalka, kadib iscasilaaddii Laftagareen.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 01:43PM

Go’doomintii hawada ee Koonfur Galbeed oo dhammaatay: Diyaaradaha rayidka ah oo ka degay Baydhabo.

Adan Maalim Ibraahim, oo ah wakiil socdaal oo ka howlgala Baydhabo, ayaa sheegay in tigidhada la bilaabay in la qabsado xalay.

  • Soomaliya

    31-03-2026

  • 11:56AM