Dowladda Soomaaliya oo shaacisay tirada lagu dilay dagaalkii Baar Sanguuni

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa warmurtiyeed ka soo saartay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni.

Jamaame, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa warmurtiyeed ka soo saartay dagaal maanta ka dhacay deegaanka Baar Sanguuni ee hoos taga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Sida lagu sheegay qoraalka ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta, ilaa 27 ka tirsan maleeshiyaadka AS ayaa lagu dilay hawlgalka, waxaana sidoo kale nolosha lagu qabtay ilaa shan xubin oo ka tirsan AS.

Hawlgalkan ayaa ka dambeeyay weerar ay AS ku soo qaadeen fariisin ay leeyihiin Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya, hallkaasi oo ilo kala duwan sheegeen in jab lagu gaarsiisay xubnaha weerarka geysatay.

Qoraalka ayaa lagu yiri: “Dowladda Soomaaliya ayaa u mahadcelinaysa shacabka iyo saaxiibada caalamka ee mar kasta ku garab taagan dagaalka dalka iyo dadka Soomaaliyeed looga xoraynayo cadowga arxanka daran ee Khawaarijta.”

Ciidamada Dowladda oo kaashanaya saaxiibada caalamka ayaa mudooyinkii ugu dambeeyay hawlgalo ka fuliyay gobolada dalka, kuwaas oo lala beegsanayo xubnaha Kooxda AS.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM