Dowladda Soomaaliya oo sheegatay "dilka" 49 Al-Shabaab ah

Image
Wasaarada warfaafinta ayaa shaacisay in xubnahan ay "isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka".

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ku dhowaad 49 xubnood Al-Shabaab ah lagu dilay howlgal iyo duqeyn ka dhacdey gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sida ay shaacisay wasaaradda warfaafinta, howlgalkan oo ay si wadajir ah u fuliyey Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ayaa ka dhacay degaanka Buulo Madiino.

"Khawaarijta lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka," ayaa la raaciyey bayaanka.

HOOS KA AKHRISO WAR-SAXAAFADEEDKA

Ilaa iyo 49 xubnood oo ka tirsan tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay howlgal qorshaysan iyo duqaymo ciidanka gaarka ah ee Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka, Ciidanka Xoogga dalka iyo saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen deegaanka Buulo Madiino oo tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa u dhacay sidii loo qorsheeyay waxaana lagu burburiyay dhammaan gaadiidkii dagaal iyo saanaddii hubka ay deegaankaan ku haysteen Khawaarijta Al-Shabaab.

Khawaarijta lagu laayay deegaanka Buulo Madiino ayaa waxay isku diyaarinayeen dhagaro ay ku dhibaateeyaan shacabka Soomaaliyeed, laakiin waxaa fashiliyay oo dhabarka ka jabiyay Ciidanka Sirdoonka iyo Xoogga Dalka.

Dowladda Soomaaliya waxay u mahadcelinaysaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed oo maanta qayb ka ah dagaalka Khawaarijta looga xoraynayo dalka oo dhan isla markaana garab taagan ciidanka qalabka sida ee dalka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM