Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 61 Al-Shabaab ah

Image
Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa duqeymaha fulinayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Turkiga.

MUQDISHO, Soomaaliya - Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in 61 ka tirsan Al-Shabaab lagu dilay howlgal qorsheysan oo ka dhacay deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

War-saxaafadeed kasoo baxay wasaaradda warfaafinta xukuumadda federaalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen hay'adda sirdoonka iyo saaxiibadda caalamka ah.

"Ilaa iyo 61 xubnood oo ka tirsan Khawaarijta Al-Shabaab ayaa lagu dilay tiro kalana waa lagu dhaawacay hawlgal qorshaysan oo Ciidanka Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka iyo Saaxiibada caalamiga ah ay ka fuliyeen Beero ku yaala duleedka deegaanka Xawaadlay ee gobolka Shabeellaha Dhexe," ayay tiri wasaaradda.

Qoraalka ayaa la raaciyey: "Hawlgalkan ayaa lagu beegsaday maleeshiyaad Khawaarij ah oo lagu qiyaasay 150, kuwaas oo doonayay in ay weeraraan Ciidanka Xoogga Dalka iyo geesiyaasha deegaanka ee ku sugan Xawaadlay iyo Gaadiid ay qaraxyo ah kuwaasi oo ay ku diyaarinayeen Beero dhexdooda".

"Sidoo kale, Labo gaari oo ahaa nuuca Homey iyo Noah oo ay ku xireen waxyaabaha qarxa kuwaas oo ay qorshaynayeen in ay soo galiyaan magaalada Muqdisho ayaa lagu burburiyay howlgalka," ayay tibaaxdey.

Warka ayaa lagu soo xiray: "Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ka foojigan yihiin dhagar kasta oo shacabka kaga imaan karta Khawaarijta lagu jabiyay dagaaladii tooska ahaa oo ay la galeen Ciidanka Qaranka iyo geesiyaasha shacabka Soomaaliyeed".

Hase ahaatee, bayaanka ayaa lagu soo bandhigin magaca saaxiibadda caalamiga ah. Bilooyinkii lasoo dhaafay waxaa duqeymaha fulinayey diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee dowladda Turkiga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Lafta-Gareen oo Saraakiil Ciidan kula shiray Baydhabo

Shirka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga iyo isku-duwidda hay’adaha amniga si loo xaqiijiyo nabadgelyo waarta.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:55AM

Dowladda oo billowday bixinta kaararka codbixinta doorashada xili uu jira khilaaf

Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa ku adkaystay in doorashadu ay dhici doonto waqtigeeda.

  • Soomaliya

    15-11-2025

  • 11:04AM