Dowladda Soomaaliya oo sheegatay dilka 67 Al-Shabaab ah

Image
Howlgalkan ayay ciidamadda xoogga ay ka sameeyeen waqooyiga iyo bartamaha gobolka Mudug.

MUQDISHO, Soomaaliya - Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in howlgal ay ka sameeyeen waqooyiga iyo bartamaha gobolka Mudug ay ku dileen 67 ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kalena ay ku soo qabteen walxaha qarxa.

Sarreeye Guuto Maxamed Tahliil Biixi ayaa warbaahinta u sheegay in ciidamadu ay ku hawlan yihiin xog sirdoon oo ku saabsan dhaqdhaqaaqyada kooxda Al-Shabaab.

Biixi ayaa tibaaxay in howlgalka ay ka sameeyeen degmada Xarardheere ee bartamaha gobolka Mudug uu dhacay abaare 1-dii duhurnimo, kadib markii dooni ay saarnaayeen laga soo dejiyay 120 Jeerikaan ah oo ay ku jiraan walxaha qarxa.

Sida laga soo xigtey Biixi, waxaa saarnaa gaari ay wateen 69 maleeshiyo ah. Biixi waxa uu tibaaxay in Ciidanka ay Baasuuke ku garaaceen Gaarigaasi oo ay burburiyeen ayna labo dagaalyahan oo kaliya ay nolosha ku qabteen.

Warsidaha Garoe Online si madax bannaan uma ay xaqiijin karo tirada khasaaraha ciidanka sheegtey. Xoogaga xiriirka la leh Al-Qaacida ayaan wali ka jawaabin sheegashadda dowladda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo bishii July ee la soo dhaafay waxa ay wadeen howlgallo wada jir ah oo ay qeyb ka yihiin maleeshiyaad deegaanka ah oo ka dhan ah kooxaha argagixisadda ah.

Kulan ka dhacay xarunta dowladda hoose ee habeenkii Isniinta ayuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku sheegay in dhamaadka sanadkan la ciribtiri doono Al-Shabaab.

Xasan Sheekh ayaa caddeeyay in wejiga labaad ee howlgalka uu dhawaan ka bilaaban doono deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwa Jubbaland.

Soomaaliya ayaa isku-halaynaysa ciidamada ay soo dirayaan Jabuuti, Itoobiya iyo Kenya kadib markii dalalka deriska ah ay bishii Janaayo ku heshiiyeen inay si wadajir ah u qaadaan howlgallada milateri ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya oo ka digay qorshaha Israel ka damacsan tahay Somaliland

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xusay in Muqdisho ay la xiriirtay bulshada caalamka, oo ay ku jiraan Qaramada Midoobay.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 12:41PM

Xasan Sheekh oo u safraya Saudi Arabia xilli ay isbeddelayaan xulafada Soomaaliya

Sidoo kale, booqashadan ayaa ku soo beegmaysa iyadoo dowladda Soomaaliya ay si cad u taageertay mowqifka Sacuudi Carabiya.

  • Soomaliya

    01-01-2026

  • 09:23AM