Dowladda Soomaaliya oo taageertay go’aankii (ICJ) ee ku aadan xasuuqa Israa’iil

Image
Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay baahida loo qabo xabbad-joojin degdeg ah oo laga fuliyo Qasa.

Muqdisho, Soomaaliya - Dowladda Soomaaliya ayaa taageertay go’aankii ay dhawaan Maxkamadda Caalamiga ah ee Caddaaladda (ICJ) soo saartay, kaas oo ku sheegtay in ay awood u leedahay in ay baaritaan ku sameyso xasuuqa ay Israa’iil ka gaysanayso Marinka Qasa. 

Dowlada ayaa ku tilmaantay go’aanka maxkamada mid muhiim u ah in Israel lagula xisaabtamo dambiyada ka dhanka ah shacabka Falastiin.

Warmurtiyeed ay soo sartay dowladda ayaa lagu yiri: “Soomaaliya waxay u taagan tahay fulinta tallaabooyin lagu ilaalinayo xuquuqda iyo fayo-qabka Falastiiniyiinta.”

Dowladda Soomaaliya ayaa xaqiijisay baahida loo qabo xabbad-joojin degdeg ah oo laga fuliyo Qasa si looga hortago khasaaraha soo gaara dadka rayid ah oo aan waxba galabsan.

“Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hoosta ka xariiqaysa sida ay lagama maarmaanka u tahay in Israa’iil ay joojiso xadgudubyada ka dhanka ah Falastiiniyiinta, ayna raacdo tillaabooyinka uu qeexayo go’aanka maxkamadda ICJ.”ayaa lagu yiri bayaanka.

Dowladda Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in ay marwalba u taagantahay nabadda, caddaaladda, iyo xaqiijinta xuquuqdooda aasaasiga ah ee shacabka Falastiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM