Dowladda Soomaaliya oo war kasoo saartay weerarkii saldhiga Manda Bay

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Dowladda Soomaaliya ayaa cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ku qaadey saldhig ay wada isticmaalaan ciidamada Mareykanka iyo Kenya oo ku yaala ismaamulka Lamu.

Xeradda Manda Bay ayaa tababar lagu siiyaa ciidamadda wadamada Geeska qaaradda Afrika ee loogu yeero argagixiso la dirirka.

Qoraal kasoo baxay xukuumadda Muqdisho oo uu arkay Garowe Online ayaa falkaas ku tilmaamay mid "bahalnimo ah".

War-saxaafadeedka oo gulufka ku qeexay "mid fashilmay" ayaa ku bogaadiyey ciidanka Kenya iyo Mareykanka iska caabinta duulaankaas.

"Dowlada Soomaaliya waxay xaqiijineysaa in ay ka go'an tahay in ay saaxiibadda caalamka iyo gobolka la kaashato dagaalka argagixisada gobolka iyo daafahiisa," ayaa lagu soo xiray.

Booliska Kenya ayaa soo bandhigay meydadka in ka badan shan xubnood oo ay ku sheegeen dableydii weerartay saldhiga oo watay darees ciidan.

Laamaha ammaanka oo kadib weerarka sameeyay howlgal ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo watay walxo qarxa.

Taliska Mareykanka ee Afrika ayaa "been abuur iyo ka bad-badin" ku tilmaamay sheegashooyin ay Al-Shabaab ka faafisay weerarka.

Weerarka lagu ekeeyay saldhiga Manda Bay ayaa yimid maalmo kadib dilkii Qaasim Suleymaani, oo ahaa taliyaha ciidamadda Quds ee ilaalada kacaanka Iran, oo Mareykanku sheegtay khaarijintiisa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM