Dowladda Soomaaliya oo xil u magacowday wiilka Injineer Yariisow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Soomaaliya ayaa xil waxay magacowday wiil uu dhalay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaanna duqii Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Injineer Yariisow].

Marxuumka ayaa 1-dii August ee sanadkan waxa uu ugu dhintay dalka Qadar dhaawac kasoo gaarey weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay xafiiskiisa 24-ka bishii Julaayo.

Wiilkiisa, Cabdiraxmaan, ayaa waxaa haatan loo magacaabay Xoghayaha koowaad ee eragada Soomaaliya ee magaaladda New York, dalweynaha Mareykanka.

Warqadda lagu magacaabay oo ay Garowe Online u xaqiijiyeen xubno kamid ah xukuumadda ayaa waxaa ku saxiixnaa Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraalka oo lagu ogeysiiyey dhamaan Hay'addaha Dowladda ee ku shaqadda leh ayaa ku taariikheysan 30-ka bisha October ee sanadkan 2019-ka.

Dowladda Federaalka ah ayaa dhaqaale ay ka heshay Qadar waxay Washington dhul uga iibisay safaaradda Soomaaliya ee halkaas. Dhismaha ayaa waxaa deganaa waddanka Colombia oo muddo kadib isaga guuray.

Injineer Yariisow, oo Aas Qaran loogu sameeyay magaaladda Muqdisho ayaa kahor xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxa uu soo qabtay jagooyin kala duwan oo Laanta Fulinta ah; sida Wasiirka Warfaafinta.

WARQADA MAGACAABIDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh oo u safray dalka Algeria

Wafdiga Madaxweynaha ku wehliya safarka waxaa ka mid ah xubno ka tirsan golaha Wasiirrada Soomaaliy.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 10:56AM

Aabbe lagu eedeeyay inuu gubay afar carruur ah oo uu dhalay oo lagu xiray Hargeysa

Dadka Deriska ayaa xaqiijiyay in lammaanaha ay isla soo muuqdeen maxkamad subaxnimadii dhacdadu dhacday.

  • Soomaliya

    10-11-2025

  • 06:07AM