Dowladda Soomaaliya oo xil u magacowday wiilka Injineer Yariisow

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Xukuumadda Soomaaliya ayaa xil waxay magacowday wiil uu dhalay Gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaanna duqii Muqdisho, Cabdiraxmaan Cumar Cismaan [Injineer Yariisow].

Marxuumka ayaa 1-dii August ee sanadkan waxa uu ugu dhintay dalka Qadar dhaawac kasoo gaarey weerarkii Al-Shabaab ku ekeysay xafiiskiisa 24-ka bishii Julaayo.

Wiilkiisa, Cabdiraxmaan, ayaa waxaa haatan loo magacaabay Xoghayaha koowaad ee eragada Soomaaliya ee magaaladda New York, dalweynaha Mareykanka.

Warqadda lagu magacaabay oo ay Garowe Online u xaqiijiyeen xubno kamid ah xukuumadda ayaa waxaa ku saxiixnaa Axmed Ciise Cawad, wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Qoraalka oo lagu ogeysiiyey dhamaan Hay'addaha Dowladda ee ku shaqadda leh ayaa ku taariikheysan 30-ka bisha October ee sanadkan 2019-ka.

Dowladda Federaalka ah ayaa dhaqaale ay ka heshay Qadar waxay Washington dhul uga iibisay safaaradda Soomaaliya ee halkaas. Dhismaha ayaa waxaa deganaa waddanka Colombia oo muddo kadib isaga guuray.

Injineer Yariisow, oo Aas Qaran loogu sameeyay magaaladda Muqdisho ayaa kahor xilka gudoomiyaha gobolka Banaadir, waxa uu soo qabtay jagooyin kala duwan oo Laanta Fulinta ah; sida Wasiirka Warfaafinta.

WARQADA MAGACAABIDA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Hoggaamiye Ku-meel-gaar ah oo loo magacaabey Maamula Koonfur Galbeed

Magacaabistan ayaa ku soo beegmeysa xilli warar soo baxaya ay tilmaamayaan in Madaxweynaha Soomaaliya.

  • Soomaliya

    02-04-2026

  • 07:53AM

Turkiga oo lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay xil ka tuuristii Laftagareen

Eedaymahan ayaa imaanaya xilli magaalada Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada xoogga dalka.

  • Soomaliya

    01-04-2026

  • 12:47PM