Dowladda Soomaaliya oo xukuntay mas'uul lagu helay Al-Shabaabnimo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Maxkamadda Ciidamadda Soomaaliya ayaa saddex sano oo xarig ah ku ridday agaasimihii shaqadda gobolka Banaadir, Nuur Cali Axmed [Mahad Alle], oo lagu helay Al-Shababanimo.

Mahad-Alle, oo la xiray kadib qaraxii lagu dilay Eng Yariisow, ayaa wariyey in uu horey uga mid ahaan xoogagaas xiriirka la leh Al-Qaacida.

Wakaalada Wararka Qaranka ee SONNA ayaa baahisay in xukunsanaha uusan marin habka is-diiwaan gelinta dadka ka haray fikirka xagjirnimada ee kasoo goostay maleeyshiyaadkaas.

Wararka ayaa tibaaxaya in Mahad-Alle lagu eedeeyay "in uu fududeeyay" weerarkii Al-Shabaab ee xarunta gobolka Banaadir.

Inta la xaqiijiyey sideed mas'uul oo uu ku jiro gudoomiyihii gobolka ayaa lagu khaarijiyey falkaas oo ay fulisay haweenay agaasime ahayd, sidda ay xaqiijisay xukuumada.

Dhanka kale, maxkamada ayaa sii deysay Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed oo looga shakisanaa Al-Shabaab iyo ismiidaamintaas.

Hay'addaha ammaanka la faray in ay la socdaan dhaqdhaqaaqa Maxamed, oo xorriyadiisa dib u helay markii dambi lagu waayey.

Cabdullaahi waxay walaalo yihiin Basiira, oo agaasime ka ahayd gobolka isla markaana looga shakiyey in ay lug ku lahayd qaraxii gobolka oo dhacay bishii July sanadkii lasoo dhaafay ee 2019.

Mahad-Alle ma noqonayo qofkii ugu horeeyay xili xubno kale horey loo xukumay. Si lamida, waxaa la aaminsan yahay in uusan ahayn ruuxii u dambeeyay sababtoo ah waxaa jiri kara qaar dhuumaaleysi ku jooga.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM