Dowladda Soomaliya oo sheegtay in howlgal lagu dilay 50 ka tirsan AS

Image
Howlgalladan ayaa waxay ka socdaan tuulooyin hoos taga gobolka Jubbada Hoose.

Muqdisho, Soomaaliya - Wasiirka Ku-xigeenka wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al-cadaala ayaa sheegay in maalintii 4aad howlgal qorsheysan oo ay iska kaashanayaan Xoogga Dalka iyo kuwa Jubbaland uu ka socda Gobolka Jubbada Hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in howlgalladaas lagu khaarajiyay in ka badan 50 ka tirsan AS, iyadoo sidoo kale gacanta lagu dhigay 20 kale, kuwaas oo dhibaato ku hayay dadka deegaannadaas ku dhaqan sida uu hadalka u dhigay.

Wasiirka ayaa intaasi ku daray: “Xoogga Dalka iyo Geesiyaasha Jubaland waxa ay Maalintii Afaraad oo xiriir ah Hawdka ku baacsanayaan Khawaarijta, 50 ka badan waa la dilay, 20 kale nolosha ayaa lagu qabtay, Dhul badanna waa laga sifeeyay, alle ayaa mahadsan”.

Howlgalladan ayaa waxay ka socdaan tuulooyinka Muuse-xaaji, Malaaylay, Turdho, Baxar-saafka, iyo deegaanno kale, iyadoo lagu dilay horjoogeyaal iyo halka qaar kale nolosha lagu qabtay tan iyo Sabtidii la soo dhaafay.

Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanayaa kuwa deegaanka ayaa Howlgallo ka dhan ah AS ka wada Dowlad-Gobolleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM