Ducaale oo sharaxay maahmaahdii Uunsiga ee caleemasaarkii Kismaayo

Image

KISMAAYO, Jubaland – Hogaamiyaha Aqlabiyadda baarlamaanka Kenya, Aadan Barre Ducaale, ayaa si furan u macneeyay hadal muran dhaliyey oo uu ka jeediyey caleema saarkii Axmed Madoobe.

Siyaasiga labaad ee ugu awooda badan Kenya ayaa kamid ahaa wafuud badan oo ka qeybgashay damaashaadkii iyo hambalyadii madaxweynaha dib loo doortay ee maamul goboleedka Jubaland.

Ducaale ayaa fur-furashada hadal-jeedintiisa ku bilaabay maahmaah caan-baxday oo dadka ay siyaabo kala duwan u fasireen.

Maahmaada ayaa waxay ahayd "Islaan aan uunsan jirin haddey uun-sato, meel aysan ka guban jirin ayey ka gubaneysaa".

"Soomaaliya hadda siyaasiyiin aan Uusan jirin ayaan uunsanayo, meel aysan ka guban jirin ayey ka gubanayaan," ayuu ku daray.

Muddo bilooyin ah kadib, Aadan Barre ayaa wareysi uu siiyey Talafishinka VOA-da wuxuu daaha kaga rogay "ujeedkiisa erayadaas".

"Siyaasi ahaan marka aan la hadlayo dadka isoo doortay ama Soomaali weyn, maahmaahda iyo murtida ayaan iska jeclahay, laakiin maalintaa waxaan ula jeeday madaxda Soomaaliya meelay joogaan".

Wuxuu raaciyey: "Kuwa federaalka iyo kuwa gobolada, waxayna ahayd war dadka Soomaalida u tanaasula, war heshiiya, war mideeya".

"Dadka sidda kale u fasiray waxaan rabaa in aan u sheego, ninka soo dhaweeyay madaxweyne Farmaajo [booqashadiisa Kenya] waa aniga, dowladiisa iyo ra'iisul wasaare Khayre saaxiibo ayaan nahay".

Isagoo sii hadlaya ayuu xusay "raggii mucaaradka ku ahaa mar ayaan dhahay 'Nairobi haka mucaaradinina', marka hadaan ahay nin siyaasi oo Soomaali ah, mararka qaar talo unban u soo jeediyaa".

Gabagabadii, wallow uu ku adkeystay in uu haatan yahay mas'uul Kenyan ah, Aadan Barre Ducaale ayaanan meesha ka saarin in uu ka shaqeynayo nabadda, xasiloonida iyo horumarka Qaranka Soomaaliya.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo diiday hirgelinta nidaamka e-visa ee Dowladda Federaalka Soomaaliya

Khubarada siyaasadda ayaa sheegay in arrintan ay sii muujinayso khilaafka u dhexeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

  • Soomaliya

    05-11-2025

  • 07:27AM

Tanzania: Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qaybgalay caleema-saarka Samia Suluhu 

Guddiga doorashooyinka Tanzania ayaa ku dhawaaqay in Madaxweyne Samia Suluhu Hassan ay heshay 97.66% codadkii doorashadii Arbacadii.

  • Soomaliya

    04-11-2025

  • 11:36AM