Duqa cusub Muqdisho oo ka hadlay magacaabistiisa [Dhageyso]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Injineer Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa ka hadlay xilka loo magacaabay ee ah Gudoomiyaha gobolka Banaadir iyo duqa Muqdisho.

Isagoo ka hadlayay munaasabad lagu maamuusayay maalinta Saxaafadda Soomaaliya oo ka dhacday Muqdisho, ayuu Cabdiraxmana Yariisow sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay xilka loo magacaabay.

Injineer Yariisow ayaa dhanka kale uga mahadceliyay Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre sida ay kalsoonida u siiyeen, islamarkaana xilkan Gudoomiyaha gobolka Banaadir ugu magacaabeen.

Wuxuu sheegay in sababta uu u aqbalay xilkan ay tahay inuu ka shaqeeyo sidii ay shacabka Muqdisho ay u heli lahaayeen adeegyada asaasiga ee ay u baahan yihiin, sida amniga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Shaqsiyaad siyaaadda ku cusub iyo dhalinyaro ka shaqeynayay Xafiisyada Madaxweyne Farmaajo iyo Ra'iisul Wasaare Khayre ayaa loo magacaabay ku xigeenada Gudoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir. Halkan ka akhri.

Dhanka kale, Xaflad lagu soo dhaweynayo magacaabista Duqa Muqdisho Eng Yariisow ayaa lagu qabtey maanta magaalada Muqdoisho, taasi oo ay ka qeybgaleen Odayaal, Xildhibaanno iyo Siyaasiyiin uu kamid yahay Cali Maxamed Geedi.

Yariisow ayaa ahaa Wasiirkii Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya kahor inta aan Madaxweyne Farmaajo u magacaabin xilka Gudoomiyaha gobolka Banaadir, ahna duqa Caasimadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sheekh Shariif oo dowladda ku eedeeyay inay beegsanayso xafiiskiisa, isla markaana xaddiday dhaqdhaqaaqa gurigiisa

Xafiisku wuxuu sheegay in xubnaha ilaalinta Sheekh Shariif ay muujiyeen is-xakameyn si looga fogaado iska horimaad hubeysan.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 11:29AM

Xiisadda sii kordheysa ee Itoobiya iyo Eritrea oo dhexdhexaadnimada Soomaaliya imtixaan gelisay

Hadalkan ayaa imanaya kaddib shir madaxeed afar geesood ah oo 4-tii Oktoobar 2026 ka dhacay magaalada Alamein ee dalka Masar.

  • Soomaliya

    12-10-2026

  • 06:21AM