Filish oo la hadlay banaanbaxayaal gubay sawirka Farmaajo

Image

MUQDISHO, Soomaaliya – Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho, Cumar Maxamuud Maxamed [Cumar Filish], ayaa la hadlay banaanbaxayaasha ka careysan dilkii xalay uu geystay askariga ka tirsan booliska federaalka ah.

Cumar Filish ayaa "mas'uuliyad darro" ku tilmaamay falka uu askariga ku toogtay labadda qof ee shacabka ahaa isla markaana ehelka ahaa.

Qoyskooda oo xafiiskiisa uu ugu yeerey ayuu u balanqaadey "in ay iyaga xukumi doonan askariga" isla markaana uu garab taagan yahay.

Isagoo u muuqda mid gudbinaya fariin loosoo dhiibay oo ku saabsan in uu dejiyo shacabka careysan, Mr Filish ayaa cod dheer "xad-gudub" ku qeexay bandowga habeenkii ee lagu soo rogay caasimadda.

"Dhamaan waxyaabaha dadka xadgudubka ku ah oo ay kamid tahay bandowga, dowladda talo ayay ka leedahay go'aano ayaana laga soo saari doonaa," ayuu yiri, isagoo shacabka ku booriyey in ay dhowraan go'aanada.

Isagoo hadalkiisa sii wata, wuxuu intaas raaciyey: "Madaxda dowladda way ila qabaan arrintaan, afkooda ayaanna ku hadlayaa".

Dibad-baxayaasha uu la hadlay Cumar Filish ayaa lagu waramay in qaarkood ay gubeen sawirka madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Bandowga habeenkii ee la saarey caasimada ayaa bilaabanaya todoba fiidnimo, wuxuuna ku eg-yahay shanta aroornimo. Saacadaha waxaa lasoo horumariyey kadib markii ay bilaabatay bisha Ramadaan.

Sikastaba ha ahaatee, Cumar Filish ayaa wuxuu horey uga dhawaajiyey go'aano ay ku adkaatay fulintooda, waxaana kamid ah balanqaad ku saabsanaa in uu furi doono waddooyinka, kaas oo uu ka sameeyay xafladdii xafiis la wareegidda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Beesha Caalamka u Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Faragelinta Itoobiya

Madaxweynaha ayaa la filayaa inuu si adag ugu dacwoodo faragelin uu sheegay inay dowladda Itoobiya ku hayso arrimaha gudaha ee Soomaaliya.

  • Soomaliya

    29-03-2026

  • 09:16AM

DF Soomaaliya oo isu diyaarineysa weerar ka dhan ah Koonfur Galbeed, doorka Itoobiya maxuu noqon doonaa?

Khilaafka oo markii hore ahaa mid siyaasadeed ayaa si degdeg ah isu beddelay dhaqdhaqaaqyo..

  • Soomaliya

    27-03-2026

  • 09:38PM