Duqeymo ka dhacay Soomaaliya iyo wararkii ugu dambeeyay Khasaaraha

Image

CEELBUUR, Soomaaliya - Diyaarado dagaal oo loo maleynayo inay leeyihiin Ciidamada Mareykanka ayaa duqeymo cirka ah ka fuliyay 24-kii saac ee lasoo dhaafay deegaanno ku yaalla gobollada Jubbada Hoose iyo Galgaduud.

Duqeynta hore ayaa shalay gelinkii dambe ka dhacday Tuulo qiyaastii 25KM dhanka galbeed uga beegan Kaamjiroon,  oo ku dhaw magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Saraakiisha Ciidamada Jubbaland ee ku sugan gobolka ayaa xaqiijiyay in saddex qof oo hal qoys kasoo wada jeeda, iyadoo ay ku dhaawacmeen 4 kale, kadib markiii gantaal uu ku dhacay guri ay deganaayeen.

Dadka Duqeynta ku dhaawacmay oo isugu jira Hooyo, Laba caruur ah oo ay dhashay iyo Nin Da’ah, ayaa waxaa dhaawacooda loo qaaday Isbitaalka Magaalada Ksimaayo.

Dhanka kale, diyaarad nooca aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka loo yaqaano ayaa weerar ka fulisay deegaanka Dacar, oo 18KM dhanka Koonfur Galbeed uga beegan degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, bartamaha Soomaaliya.

Nuur Xasan Guutaale ayaa sheegay in duqeyntaas lala beegsaday Saldhig ay Al-Shabaab halkaasi ku leeyihiin iyo Gaari ay saarnaayeen Saraakiil sar-sare, oo katirsan Kooxda.

Saraakiisha Ciidamada dowladda ee ku sugan aagga la duqeeyay ayaa xaqiijiyay in ugu yaraan 10 xubnood oo katirsan Al-Shabaab ay ku dhinteen duqeynta, sidoo kalena ay jiraan tiro kale oo dhaawacyo lagu gaarsiiyay.

Al Shabaab ayaa dhankeeda sheegtay in duqeynta duleedka Ceelbuur lagu dilay saddex qof oo shacab ah, oo ay kamid ahaayene labo oday dhaqameed oo lagu kala magacaabi jiray Cali Maxamed Waasuge (Cali Xareed) iyo Abwaan Yuusuf Maxamed Dhagey.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Axmed Madoobe oo la kulmay Taliyaha Howlgallada Gaarka ah ee AFRICOM

Dardargelinta howlgallada ka dhanka ah kooxda Khawaarijta si looga sifeeyo deegaannada ay weli ku dhuumaalaystaan.

  • Soomaliya

    09-03-2026

  • 10:18PM

Madaxweyne Xasan Sheekh oo Saxiixay Dastuurka Cusub ee Dalka xilli ay Jirto Diidmo xooggan

Tallaabadan ayaa timid ka dib markii 4-tii Maarso ay baarlamaanku ansixiyeen wax-ka-beddelka dastuurka.

  • Soomaliya

    08-03-2026

  • 08:15PM