Duqeyn cirka ah oo ka dhacday fariisinka ugu weyn kooxda Al-Shabaab

Image
Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo Mareykanka midkoodna wax war ah kama soo saarin howlgalkan.

MUQDISHO, Soomaaliya - Diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ayaa fiidnimadii Axadda waxa ay beegsadeen degaan ku yaalla xarunta Al-Shabaaab ee degmada Jilib gobolka Jubbada Dhexe.

Ilo wareedyo kala duwan oo dhanka ammaanka ah ayaa waxa ay tibaaxeen in la maqlay labo qarax oo waaweyn oo ka dhacay degaan xudun u ah horjoogayaasha gacan-saarka la leh Al-Qaacida.

Khasaaraha ka dhashay duqeyntan ayaan weli si rasmi ah loo ogeyn, inkastoo ay wararku ay tibaaxayaan in uu jiro khasaare soo gaaray dagaalameyaasha Al-Shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo Mareykanka midkoodna wax war ah kama soo saarin howlgalkan. Isku-dayo la doonayay in wax looga waydiiyo duqeyntan ayaanan guuleysan.

Balse, Al-Shabaab ayaa ku eedeysay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka inay duqeeyeen guri ay degan yihiin dad rayid ah, ayna ku dhaawacmeen laba qof oo ay ku jirto gabar 11 jir ah.

Mashruuca goobaha colaadaha hubaysan iyo dhacdooyinka (ACLED) ayaa diiwaan-geliyay in ka badan 13 duqeyn cirka ah oo lala eegtay Al-Shabaab tan iyo dabayaaqadii bishii December ee 2022.

Duqeyntan ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xilli ay jireen muddooyinkii ugu dambeeyay isku-dhac u dhaxeeya dagaalameyaasha Al-Shabaab kaasoo sal u ah is-qabqabsi ka dhex-jira hogaanka maleyshiyadda.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM