Duqeyn cirka ah oo lagu burburiyay Gaari walxaha qarxa saarnaa

Image

KISMAAYO, Soomaaliya - Taliska Ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM], ayaa shaaciyay in duqeyn ay ka fuliyeen duleedka magaalada Kismaayo ay ku burbiriyeen Gaari ay saarnaayeen walxaha qarxa.

AFRICOM ayaa qoraal ay soo saartey maanta oo Jimco ah ku sheegtay in weerarka ay la beegsadeen Gaariga xilli uu marayay meel ku dhaw deegaanka Janaay Cabdalla gelinkii dambe ee Arbacadii, April 11.

Ma sheegin AFRICOM khasaaraha ka dhashay duqeynta, marka laga soo tago inay ku burburiyeen Gaariga qaraxyada saarnaayeen, ee ay wateen dagaalyahanada Kooxda Al Shabaab.

Waa weerarkii 7aad oo dhanka cirka ah oo Marekanka Ciidamadiisa ka fuliyaan Soomaaliya tan iyo markii uu billowday sanadkan, kuwaasi oo mid kamid ah la eegtay Daacish-ta ku sugan Puntland.

Militeriga Mareykanka ayaa kordhiyay Duqeymaha ka dhanka ah Kooxaha argagaxisada ku sugan Soomaaliya wixii ka dambeeyay markii markii Trump xukunka la wareegay bishii January ee 2017.

Jubbaland wali kama hadlin duqeynta ka dhacday duleedka Kismaayo, taasi oo noqonaysa midii ugu dambaysay oo lagu weeraro degaanada Al-Shabaab xukunto.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM

Ciidamada Jubbaland iyo Danab oo Ku Dhow Inay Jamaame Kala wareegaan Al-Shabaab

Dadka deegaanka ayaa u sheegay warbaahinta in qaar badan oo ka tirsan dagaalyahannada Al-Shabaab ay dib ugu gurteen dhinaca Jilib.

  • Soomaliya

    20-11-2025

  • 11:38AM