Duqeyn cirka ah oo lala beegsaday Al-Shabaab oo laga warbixiyey

Image

KISMAAYO, Jubaland – Dowlada federaalka Soomaaliya iyo Mareykanka ayaa warbixin kasoo saarey duqeyn cirka ah oo Al-Shabaab lagula eegtay degaanka Wadajir ee duleedka ka ah Jilib, xarunta gobolka Jubada Dhexe.

War-saxaafadeedka xukuumadda federaalka ah ayaa howlgalka ku qeexay "mid aad looga baaraandegay".

Labadda dhinac ayaa daboolka ka qaadey in saddex kamid ah aa xoogaga gacansaarka la leh Al-Qaacida lagu dilay duulaanka.

Warka qoraalka ah ayaa meesha ka saarey in shacab ay waxyeelo kasoo gaartey howlgalka oo dhacay Arbacadii, 19-ka Febraayo, 2020.

Dhanka kale, ma jiro wax war ah oo ku saabsan duqeynta oo kasoo baxay dhanka maleeyshiyaadka argagixisada ah ee Al-Shabaab.

"Al-shabaab way sii wadaan weerarrooda fuleynimada ee ay ku qaadayaan shacabka aan waxba galabsan iyo dalalka deriska la ah Soomaaliya," ayuu daaha ka rogay bayaanka oo nuqul kamid ah uu helay GO.

Duqeyntaan ayaa waxay kusoo aadeysa iyaddoo Al-Shabaab ay weerartay saldhig ciidamadda Soomaaliya ku leeyihiin degaanka Ceel Saliini iyo kolanyo ay la socdeen ciidamada Jubaland oo marayey duleedka Kismaayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh iyo Cirro oo Mareykanka ka wada dadaallo diblomaasiyadeed oo kala duwan

Dhanka Somaliland, taageerayaal ku nool qurbaha oo uu hoggaaminayay wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 12:23PM

Waa kuma qofka Xasan Sheekh ka dhigayo Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle?

Afrax ayaa hadda bilaabay kulamo iyo dhaq-dhaqaaqyo siyaasadeed oo la xiriira doorashada xilka Madaxweyne ku-xigeenka.

  • Soomaliya

    26-09-2026

  • 05:42AM