Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Gedo [Fahfaahin]

Image

GARBAHAAREY - Duqeyntaan oo la sheegay inay fuliyeen diyaaradaha dagaalkaee dalka Kenya ayaa waxay ka dhacday degaan qiyaastii 15-KM u jira magaaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ee koonfurta dalka Soomaaliya.

Dadka degaanka ayaa u sheegay warbaahinta maxaliga ah in duqaynta lagu beegsaday goob ay ku sugnaayeen Dad shacab ah, oo ahayd meel Beer ah islamarkaana khasaaro dhaawac u badan uu ka dhashay.

Inta la xaqiijiyay waxaa ku dhaawacmay duqaynta Labo qof oo shacab ah, oo mid kamid ah illaa haatan la la'yahay halka uu Jaan iyo Cirib dhigay, halka khasaaro dhimasho oo Xoolo u badan ay jiraan.

Qof kamid ah dadka degaanka oo la sheegay inuu leeyahay Beerta ay diyaaradaha Kenya duqaynta ku beegsadeen ayaa laga dilay 12 Neef oo Ari ah, ayna jiraan khasaaro dhaawac u badan.

"Walaallow diyaarado kasoo kacay dhanka Kenya ayaa Shan Gantaal kusoo dhuftay Beerteyda. Labo qof oo beerta joogtay ayaa ku dhaawacmay, oo mid la la yahay, halka ay igaaga dhinteen 12 neef oo Ari ah," ayuu yiri.

Saraakiisha maamulka gobolka Gedo iyo kan degmadda Garbahaarey oo uu isku deyay Warsidaha Garowe Online uu wax ka weydiiyo dhacadaan way diideen inay ka jawaabaan wacitaankeena.

Sidoo kale, ma jiro war rasmi ah oo Wasaaradda Difaaca Kenya ay kasoo saartay weerarkaan dhanka cirka ah oo la sheegay inay ciidamadooda ay ka fuliyeen deegaan ku dhow magaaaladda Garbahaarey.

Ciidamadda Kenya ayaa tan iyo markii ay soo galeen gudaha dalka Soomaaliya oo ay qeyb ka yihiin howlgalka AMISOM, waxay wajahayaan eedaymo ku aadan inay si bareer ah u beegsadaan Shacabka.

GAROWE ONLINE

Related Articles

XOG: Saamaynta Ankara ee Siyaasadda Soomaaliya iyo qodobadii ay Mucaaradku hor-dhigeen Safiirka Turkiga

Sida ay xoguhu sheegayaan, Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya ayaa kulan la yeeshay xubno ka tirsan isbahaysiga mucaaradka.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 02:17PM

Muhaajiriin Soomaali ah oo ku dhintay doon ku degtay inta u dhaxaysa Algeria iyo Spain

Safiirka Soomaaliya ee Algeria, Yuusuf Axmed Xasan, ayaa warbaahinta dowladda u sheegay in ay la soo xiriireen waalidiin walaacsan.

  • Soomaliya

    24-04-2026

  • 08:23AM