Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday Koonfurta Soomaaliya

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Duqeyn diyaaradeed ayaa xalay ka dhacday deegaan ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, halkaasi oo lagu beegsaday xubno katirsan Al Shabaab.

Sarkaal katirsan maamulka gobolka ayaa Warsidaha Garowe Online in weerarka uu ka dhacay deegaanka Mubaarak, oo qiyaastii 70Km dhanka waqooyi galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in diyaarad Drone ah ay dhowr gantaal ku dhufatay saldhig Al Shabaab ku leedahay deegaanka, oo lagu diyaarinayay weerar ka dhan ah ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee ku sugan gobolka Shabeellaha hoose.

Dadka deegaanka ayaa sheegay inay xalay saqdii dhexe ay huradad uga soo tooseen dhawaqa qaraxada gantaallada ay diyaaradda ku duqeynaysay fariisamaha Al Shabaab.

Lama oga illaa hadda khasaaraha duqeynta, balse, illo lagu kalsoon yahay ayaa Garowe Online u sheegay in saldhiga la weeraray ay ku sugnaayeen xubno sare oo kamid ah Al Shabaab iyo dagaalyahannobadan oo diyaarinayo qorsho weerar.

Ciidamada Mareykanka ayaa kordhiyay duqeymaha Soomaaliya tan iyo markii uu Trump bixiyay ogolaansho lagu fuliyin karo weerarada ka dhanka ah Kooxaha mintidiinta oo Al Shabaab kamid tahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM