Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday nawaaxiga Muqdisho [Khasaaraha]

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Militeriga Mareykanka ee qaaradda Africa [AFRICOM], ayaa sheegay in duqayn ay ka fuliyeen duleedka caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ay ku dileen Tobban dagaalame.

Qoraal kasoo baxay AFRICOM ayaa lagu sheegay in 14 weerar oo cirka, lana mid ah midkaan oo kale ay kaliya fuliyeen sanadkaan, kuwaasoo ay ku beegsadaan Al-Shabaab, oo wali maamusho goobo fara ku-tiris ah iyo dhulka baadiyaha ee Soomaaliya.

Tobaneeyo duqayn Mareykanku fuliyeen ayaa waxay dhaceen sanadkii hore kadib markii maamulka Donald Trump u ku amray AFRICOM inay kordhiyaan howlgala ka dhanka Al-Shabaab, kuwaasoo lagu eedeeyay weerarkii Isgoyska Zoobe, 14-kii October.

Qaraxii Zoobe ayaa ahaa midkii ugu khasaaraha badnaa hal mar ay ku dhinteen in ka badan 500 oo qof taariikhda casriga ah ee Soomalaiya.

Mareykanka ayaa sheegay in wax khasaaro oo shacab ah aan lagu dilin weerarkan oo ka dhacay Arbacadii meel 15 mile dhanka Koonfur Galbeed uga beegan magaalada Muqdisho.

Mareykanka ayaa wajahaya bilooyinkii ugu dambeeyay eedaymo ku saabsan dilka dadka rayidka ah, inta lagu guda jiro weerarada ay isla fuliyaan ciidamada Soomaalida ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Mareykanka oo ka digay suurtagalnimada in Xuutiyiintu saldhig ka samaystaan Soomaaliya

Warbixinta ma aysan sheegin tirada diyaaradaha la wareejinayo ama waqtiga rasmiga ah ee dib-u-dejintoodu dhaceyso.

  • Soomaliya

    10-10-2026

  • 09:34AM

Soomaaliya, Itoobiya iyo loollanka cusub ee Badda Cas

Suudaan ayaa sidoo kale muddo tobannaan sano ah siinaysay ardayda Soomaaliyeed waxbarasho bilaash ah, oo ay ku jirto xilligii dagaallada sokeeye.

  • Soomaliya

    07-10-2026

  • 11:00AM