Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacdey Koonfur Galbeed iyo Galmudug

Image
Dhanka kale, ma jirto wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

DHUUSOMAREEB, Galmudug - Al-Shabaab ayaa sheegtay duqeymo ay xalay ka dhaceen magaalada Galhareeri (Galmudug) iyo Kurtunwaarey (Koonfur Galbeed) ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in duqeyntaasi ay ku dhinteen dad shacab ah.

Ma jiraan warar madax banaan oo xaqiijinaya weerarka iyo sidoo kale khasaaraha la sheegay in uu ka dhashay.

Dhanka kale, ma jirto wax war ah oo illaa haatan kasoo baxay dhanka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.

Inta badan duqeymaha ka dhaca Soomaaliya waxaa fuliya diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka iyo Turkiga kuwaas oo taageera ciidamadda Soomaaliya ee baacsanaya argagixisada.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo xarunteeda Garowe ka hirgelisay ceel-biyood cusub

Wuxuu sheegay in muddo kooban oo ay xafiiska joogeen ay ku dadaaleen sidii xarunta dhexe loogu heli lahaa ceel-biyood u gaar ah.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 07:53PM

Xamse Cabdi Barre oo Al-Shabaab Usoo Bandhigay Wadahadal Shuruud ku xiran

Wuxuu sheegay in dowladda mar walba diyaar u tahay wada-hadal haddii Al-Shabaab ay qaaddo tallaabo dhab ah oo ku wajahan wadahadalka.

  • Soomaliya

    27-09-2026

  • 01:52PM