Duqeyn diyaaradeed oo maanta ka dhacday magaalada Buq-aqable

Image
Howlgalkan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday fariisamo ay kooxda AS ku keydinaayeen hubka.

Buq-aqable, Soomaaliya - Ciidanka Sirdoonka Qaranka NISA iyo Saaxiibada caalamiga ayaa maanta galinkii dambe howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Buq-aqable ee Gobolka Hiiraan.

Howlgalkan ayaa waxaa lagu bartilmaameedsaday fariisamo ay kooxda AS ku keydinaayeen hubka sida lagu sheegay qoraal ay soo saartay hay’adda NISA.

Qoraalka ayaa lagu yiri, "Hawlgal ay iska kaashadeen Hay'adda NISA iyo Saaxiibada Caalamka ayaa lagu burburiyay Xarunta kaydka Gaadiidka iyo Hubka Khawaarijta ee Buq-aqable, waxaana jira Khasaaro badan oo la gaarsiiyay cadowga.”

Ciidamada Dowladda ayaa howlgallo ka wada deegaannada ay ku xooggan yihiin kooxda AS, kuwaas oo dhaca gobollada dhaxe gaar ahaan, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud.

GAROWE ONLINE

 

Related Articles

Dowladda Federaalka oo siyaasaddeyneysa ilaalinta midnimada Soomaaliya

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale la xiriiray madaxda maamul-goboleedyada…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 10:52PM

UAE iyo Jaamacadda Carabta oo cambaareeyay aqoonsiga Israa’iil ee Somaliland

Golaha Jaamacadda Carabta ayaa fadhi degdeg ah oo aan caadi ahayn oo ay yeesheen kaas…

  • Soomaliya

    28-12-2025

  • 09:30PM