​Duqeyn ka dhacday degmada Qoryooley

Image

QORYOLEY, Somalia- Ugu yaraan labo qof ayaa ku geeriyootay, 8 kalena way ku dhaawacmeen Duqeyn Madaafiic ah oo ka dhacday saakay aroortii degmada Qoryooley, ee gobolka Shabeellaha hoose.

Qof kamid ah dadka deegaanka, ayaa GO u xaqiijiyay in madaafiicda qaar ay ku dhaceen Masjid dadka ku tukanayeen Salaadda subax, isagoo intaasi ku daray in qaar kamid ah Jameecada ay ku dhaawacmeen weerarka.

Wuxuu sheegay in Madaafiicda ay ka dambeeyaan ciidamada AMISOM ee degan duleedka Bari ee degmada, kuwaasi oo uu xusay inay markasta oo Al shabaab weeraraan ay shacabka duqeeyaan.

"Ciidamada AMISOM waxay Duqeyn aan kala sooc lahayn saakay kusoo qaadeen degmada, waxaana dhowr hoobiye ku dhaceen Masjid ay dadka salaadda subax ku tukanayeen," Ayuu yiri Goobjoogahu sheegay GO.

Hoobiyaasha kale waxay kuu dhaceen guryo dad shacab ah ku nool yihiin, iyadoo ay sababeen khasaarooyin isagu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Maamulka degmada ayaa diiday inuu ka hadlo duqeynta degmada.

Bishii lasoo dhaafey, AMISOM ayaa 6 qof oo shacab ah ku dishay duleedka Qoryooley, kadib markii ay madfac ku dhufteen Garai HOMY ah, oo khudrad u waday magaalada Baydhono.

GAROWEONLINE

Related Articles

Hawlgallo ka Dhacay Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe

Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa ka mid ah gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:53AM

Xildhibaano iska casilay Baarlamaanka Maamulka fadhiya Laascaanood 

Wuxuu sheegay in sababta ay u qaateen go’aanka is-casilaadda ay tahay iyagoo aaminsan in maamulka uu ka leexday ujeeddadii loo dhisay.

  • Soomaliya

    26-07-2026

  • 10:21AM