Duqeyn ka dhan ah kooxda “AS” oo ka dhacday degmada Galhareeri

Image
Ciidamada ayaa duqeynta ku bartilmaameedsaday guri ay daganayeen xubno ka tirsan kooxda ‘AS’.

Galhareeri, Soomaaliya - Ciidamada Dowladda iyo saaxiibada Caalamka ayaa xalay duqeyn ka fuliyay degmada Galhareeri ee gobolka Galgaduud, sida ay sheegtay warbaahinta ku hadasha afka dowladda.

Ciidamada ayaa duqeynta ku bartilmaameedsaday guri ay daganayeen xubno ka tirsan kooxda ‘AS’ iyo xarun kooxdu ku farsameyso qaraxyada.

Qoraal kooban oo ka soo baxay dowladda ayaa lagu yiri: “Jab xoogan ayaa maleeshiyada lagu gaarsiiyay weerarkaan oo ay xogtiisa iska kaashadeen Ciidamada Qaranka iyo dadka deegaanka waxaana dhulka lala simay dhamaan goobihii Howlgalka laga fuliyay.”

Dhawaan ayaa duqeyn oo ka dhacday Galhareeri lagu burburiyay idaacad ay ku lahaayeen deegaanka iyo guri ay deganaayeen xubno ka tirsan kooxda AS.

Dowladda oo faahfaahin ka bixisay qasaaraha howlgalkaasi ayaa sheegtay in 30 xubin oo ka tirsan AS lagu dilay, kuwaas oo isugu jira horjoogayaal iyo xubno ajaanib ah.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Xasan Sheekh: Israa’iil amar la'aantay cagta masoo dhigi karta Soomaaliya

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ilaashadaan midnimada iyo wadajirka.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 01:15PM

Xamza: Dowladda Federaalka ma joojin doonto ciidamada ay qoranayso Puntland

Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale ku eedeeyay Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni.

  • Soomaliya

    04-07-2026

  • 12:13PM