Duqeyn lagu burburiyay qarax Gaari oo ku wajahnaa Muqdisho

Image

MUQDISHO, Soomaaliya - Taliska ciidamada Mareykanka ee Africa [AFRICOM] ayaa xaqiijiyay in duqeyn cirka ah ay ku dileen afar xubnood oo katirsanaa Al Shabaab, kuwaasi oo la socday gaari walxaaha qarxa lagu soo xiray oo kusii jeeday Muqdisho.

Qoraalka AFRICOM ayaa lagu sheegay in ay kahor-tageen qarax ismiidaamin ah oo lagu waxyeelleyn lahaa shacabka magaalada Muqdisho kaasi oo lagu bur-buriyay meel 25KM dhanka galbeed uga beegan Caasimadda.

Lama sheegin goobta rasmiga ah ee ka dhacday duqeyntan oo ay fulisay diyaarad nooca aan duuliyaha lahayn ee loo yaqaano Drone-ka, taasi oo ay adeegsadaan ciidamada Mareykanka ee ka howlgala Soomaaliya.

Waa weerarkii 35aad oo Mareykanka uu ka fuliyo dalka sanadkan gudahiisa, kuwaasi oo la xoojiyay markii Madaxwyne Trump bishii Maarso uu ansixiyay qorsho lagu kordhinayo duqeymaha Soomaaliya.

Al Shabaab kama aysan hadlin duqeyntan. Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay shalay in duqeyn ay Al Shabaab kula eegatay meel ku dhaw magaalada Kismaayo, ee xarunta gobolka Shabeellaha hoose.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Cali Balcad: DFS waxay diyaar u tahay inay Somaliland la wadaagto dakhliga e-Visa 

Nidaamka e-Visa oo si buuxda u dhaqangalay Sebtembar 2025, ayaa qof kasta oo fiiso dalbanaya ku waajibinaya lacag dhan $64.

  • Soomaliya

    22-11-2025

  • 11:47AM

Shimbir safar 5,000 km ah kaga soo baxay India oo 5 Maalin kusoo gaaray Soomaaliya

“Apapang wuxuu hadda sameeyay ku dhawaad 5,400 km, wuxuuna ku qaatay 5 maalmood iyo 15 saac,” ayay Sahu ku qortay.

  • Soomaliya

    21-11-2025

  • 11:19AM